Maxaa ka jiro inuu khilaaf soo kala dhex galay Farmaajo iyo Kheyre?

0

Maalmahaan qaar ka tirsan warbaahinta Soomaaliya iyo Baraha Bulshada ayaa waxaa la isku dhaafsanayey war ku saabsan inuu khilaaf soo kala dhex galay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’isulwasaare Xasan Cali Kheyre.

Haddaba si aan u helno xog badan oo ku saabsan arrintaas, waxaa xog ka raadinayey illo wareedyo ku dhow dhow madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi.

Illo wareedyadaas ayaa si rasmi ah noogu xaqiijiyey inuusan jirin wax khilaaf ah oo u dhaxeeyo Madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraha Soomaaliya isla markaasna ay si wanaagsan u wada shaqeeyaan si ay u gutaan waajibka ka saaran qaranka Soomaaliya.

Madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraha ayaa waxaa ka dhaxeeyo xiriir wanaagsan oo wada shaqeyn ah, waxayna labadaba ku dadaalayaan sidii wadanka looga saari lahaa xaaladaha uu ku jiro iyagoo xilli walba wada qaato kulamo xiriir ah.

Warkaan ah inuu khilaaf soo kala dhex galay madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraha ayaa waxaa suuqa soo geliyey shaqsiyaad iyo siyaasiyiin dano gaar ah leh kuwaas oo doonayo inay qalqal geliyaan dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda isku xiran.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horey u ballan qaaday inaysan shacabka Soomaaliyeed maqli doonin khilaaf soo kala dhexgalo isaga iyo Ra’isulwasaaraha maadaama ay labadooda ka dhaxeyso danta qaranka oo aysan jirin dano gaar ah oo la isku khilaafo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa markuu magacaabay Ra’isulwasaare Kheyre ka dhawaajiyey inuu shacabka usoo magacaabay Ra’isulwasaare isaga ka fiicnay isagana uu magacaabay Wasiiro ka fiican, sidaas darteedna aysan marnaba dhici doono wax khilaaf ah.

xogtaan ku saabsan inuusan madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraha wax khilaaf ah ka dhaxeyn ayaa waxaa ka helnay illo wareedyo aad ugu dhow dhow madaxweynaha, waana xog 100% la isku haleyn karo.