Maxaa ka qaldan Dowladnimada Somalia?

0

Caqabadda ugu weyn ee heysata Dowladnimadda Somaliya waa in ay isku dhex milanyihiin Gollayaasha Dowladda oo kala ah Shaci dejinta, Fullinta iyo Garsoorka.

Tusaale: Xillibaan ka tirsan Gollaha Shacabka ayaa haddana ah Wasiir ka tirsan Xukuumadda, sidaasna waxaa sharci uga dhigaya Dastuurka KMG ah,

Haddaba maxay tahay Daah furnaanta isla xisaabtan ee laga fillan karo hal qof oo isagu isku ah Wasiir iyo Xillibaan, haddana Barlamaanka ka difaacanaya Hindisaha uu rabo?

Waxaa intaa sii dheer oo la yaab leh inta badan Xillibaanaddu ma jecla kamana doodan arintan oo waa qadiyad aan dan ugu jirin danahooda shaqsiyadeed waayo midka maanta Xillibaan bis ah waxaa uu rajeynaa in Biri uu ku darsado Wasiir, halka kan Wasiirka ahna uu ku haminayo in kursi Xillibaan hello waana midda isku aragtida ka dhigtay.

Marka ay halkaa taagantahay oo ay sii dheertahay in Maxkamad Dastuur aysan jirin halka Madaxda Maxkamadda Sare ay noqdeen kuwa lasoo magacaabo iyadda oo aysan jirin soo jeedin Gollaha Adeega Garsoorka, soo kuuma muuqato in Wali aan la heyn wadada ay Dowlnimada aan rabno ku guuleysan karto, haddana aan diyaar loo heyn halka ay wax ka qaldanyihiin in la saxo.

W/Q: Abdifatah Hassan Farah