Maxaa Kismaayo ka socda?

0

Shir Balaaran oo u dhaxeeya Labadda Golle ee dowlad Goboleedka Jubbaland iyo Waftigii uu hogaaminaayey Gudoomiyaha Aqalka sare ee barlamaanka dalka Mudane Cabdi Xaashi ayaa ka Furmay Guriga martidda ee magaalada Kismaayo.

Shirkaan ayaa Waxaa dowllad Goboleedka Jubbaland Ku Soo Gudbinaysaa Waxyaabaha ay Isku diidan yihiin dowlladda Federalka ee Soomaaliya ee Salka u ah Khilaafka u dhaxeeya Golaha Iskaashiga dowllad Goboleedyadda dalka ka jirra iyo Dowlladda Federaalka ah.

Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Barlamaanka dalka iyo Waftigiisa ayaa inta ay Joogaan magaalada Kismaayo Waxaa ay kulamo kala duwan la qaadan donaan Madax ugu saraysa Dowllad Goboleedka Jubbaland iyo Bulshadda Qaybaheedda si ay u dhagaystaan Waxyaabaha Jubbaland ay ka Tabanayso Dowlladda Federalka ee Soomaaliya.

Dhawaan ayey ahayd markii Gudiga Aqalka Sare ee dalka ay Soo Saareen Warbixin ku Saabsan waxyaabaha ay dowladda Federalka iyo Golaha Iskaashigu isku hayaan.