Maxaa loo aas aasay madasha heer qaran // Ogow sirta ka danbaysa

0

Xildhibaan Maxamed Xasan Qoone oo kamid ah Xildhibaanada BFS ayaa si adag uga hadlay qaabka ay ku shaqeeyaan Madasha Qaranka, kadib markii uu tilmaamay in la khalday asaaskooda.

Qoone waxa uu sheegay in aasaaska Madasha uu yahay mid aan loo marin sharciga, isaga oo tilmaamay in go’aanka kasoo baxa kulamadooda ay yihiin kuwo aan leysku haleynkarin, sida uu hadalka u dhigay mar uu la hadlaayay Idaacada GJ ee magaalada Muqdisho.

Qoone waxa uu sheegay in sharci darada ka jirta dalka ay ugu wacan tahay xasil darida iminka kusii baaheysa dalka, waxa uuna meesha ka saaray in dalka looga dhaqmo sharci dowladeed.

Waxa uu sheegay in cidii uu mugdi ugu jiro in madasha ay ku dhisan tahay qaab khaldan ay u furan tahay in dib uu u daraaseeyo sharciga iyo habdhaqanka xubnaha Madasha Qaranka.

“Wey muuqataa in aasaaska madashu ay tahay mid aan sal iyo baar ku laheyn sharciga, waayo ujeedka dhismaha madasha waxa uu ahaa in lagu wiiqo awooda baarlamaanka iyo dowladnimada”

“Aasaaska madasha waxaa keenay shaqsiyaad danno gaar ka lahaa siyaasada waxa ayna Soomaalidu ku maahmaahdaa hal baadi ah nirig xalaal ah madhasho”.

“Cidii aaminsan ayay u taallaa in madasha laga gaari doono dan guud balse anigu ma aaminsani inay tahay talaabo wanaagsan”.

Ugu danbeyntii, Xildhibaan Qoone waxa uu ka digay in dalka laga dhaqan galiyo awooda waxa loogu yeero madasha waxa uuna cod dheer ku sheegay in aasaaskeedu aysan Soomaali laheyn.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here