Maxaad ka taqaan Dalka Sweden?

0

1- Waa wadanka sadaxaad ee ugu weyn yurub dhanka badka kadib Franca iyo Spain, tirada dadkiisana waxaa lagu qiyaasaa 10.5 Million oo qof.

2- Wax dagaal ah Sweden ma galin tan iyo 1814-kii, dhexdhexaad ayayna ka ahaayeen dagaalkii 1aad iyo midkii 2aad ee dunida.

3- Dhaqaalaha Sweden waa mid xoogan waxa ayna caan ku yihiin Shirkadaha isgaarsiinta iyo Sameynta Baabuurta, wax soo saarkooda dhanka beeraha aad ayuu u yaryahay 5 % ayuu ka yahay Celceliska dhaqaalaha dalka.

4- Alfred Bernhard Nobel oo ahaa Caalim Chemist ah, Anders Celsius oo ahaa physicist & mathematician, Selma Lagerlöf oo Aliftay Aflaamta Musalsalka Caanka ah ee Niels Waxa ay ka mid yihiin shaqsiyaadkii ugu Caansanaa ee Sweden u dhashay.

5- 90% dadka Swedesh-ka ah wax Diin ah ma heystaan. Shaqsiyaadka nadaafada ka shaqeeyo si aad ah ayaa loo karaameeyaa, Mushaarkoodu waa uu sareeyaa, hal luuqad ka badan ayayna ku hadlaan.

6- Sweden waxaa laga helaa in ka badan 96 kun oo Haro. Sidoo kale waa Wadankii ugu horeeyay ee Qaanuun Sharci ah ka dhigto in aan la xiri karin Caruurta Sanadka markuu ahaa 1979-kii.

7- Shirkada Ikea waa mida ugu weyn uguna wanaagsan ee iibisa Firaashyada Guryaha, 300 oo Laan ama Xarun ayay ku leedahay 43 Wadan oo Caalamka ah.

8- Khadka Internet ee ugu xawaaraha badan dunida ee hal qof/ hal shaqsi uu leeyahay waxaa leh nin Swedesh ah oo lagu magacaabo Hepbrit Lutberg, Xawaarihiisana waxa uu gaarayaa 40 Giga ilbiriqsigiiba.