W/Q: Dr.Ibraahin dhuxul.
Gallaydhku waxa uu kamid yahay boqortooyada xayawaanka (Animalia), bahda laf-dhabarleyda ah (Chordata), gaar ahaan bahweynta qoolleyda (Aves). Sidoo kale waxa uu ku jiraa qoyska ballaadhan ee gallaydhadda (Falconidae), kuwaas oo ka kooban ilaa 40 jaad oo dhammaantood wax ugaadhsada maalintii. Bahda cilmiga saynisku waxay ugu yeedhaan (Falco). Waxa uu kamid yahay haadda xajmigoodu dhexdhexaadka yahay ee ugu caansan adduunka kuwaas oo laga helo qaaradaha kala duwan ee dunida, marka laga reebo dhulweynaha atlaantiga ee qabowga ah, waana mid kamidka ah shimbiraha hilib cunka ah, kuwaas oo u kala hayaama qaaradaha kala duwan ee dunida (Migratory birds). Luuqadda ingiriisida waxaa loogu yeedhaa (Falcon), Carabidana (صقر), Afka Soomaaligana Gallaydh ama Gallayr.
Cimriga gallaydhku waxa uu gaadhaa 13 sanno badanaa inkastoo qaarkood uu ka yaraan karo ama se uu ka badnaan karo. Culayskiisuna 0.75 ilaa 1.2 kiiloogaraam, halka uu dhererkiisuna gaadho 22 ilaa 40 sentimitir. Gallaydhka dheddig halkii mar waxa uu dhalaa 2 ilaa 5 beed, kuwaas oo ku dillaaca 30 ilaa 34 maalmood, iyagoo ku qaangaadha 1 ilaa 3 sanno, badanaa ka dheddig ayaa ka weyn ka lab. Gallaydhku waxa uu leeyahay 50 hiddo-side, waxaana uu saacadii jari karaa 320 kiiloomitir. Waxa uu kamid yahay shimbiraha cuna hilibka noolayaasha kale, gallaydhku sida shimbiraha kale ee qulumbaha, baqayada iyo tukaha ma aha shimbiraha cuna bakhtiga ama quuta inta la diwaan geliyey. Waxay kamid yihiin shimbiraha leh dhiigga diirran, gallaydhku xagga aragtida waxa uu kaga fiican yahay noolayaal badan isagoo waxka arki kara ku dhawaad laba mayl.
Gallaydhku waxa uu wax ku dilaa afkiisa dheer marka uu ku qabto cidiyihiisa xoogan, kamana mid aha haadda dad cunka ah inta la diwaan geliyay ama la ogyahay, balse waxay iska difaacaan marka lasoo weeraro halka uu hoygoodu yahay ama dhashiisa uu dhigto, badanaa waxa uu leeyahay midabo dhawr ah oo kala duwan. Dalalka adduunka qaarkood waxaa loo adeegsadaa gallaydhka in wax lagu ugaadhsado inta la tababaro, isagoo kamid shimbiraha lakala iibsado ee leh qiimaha sare, gallaydhkii ugu qaalisnaa caalamka waxaa lagu kala iibsaday lacag ka badan 170,000 kun oo doollar, sannadkii 2020 waxayna dhacdadani ka dhacday dalka sucuudiga. Ugu danbayntii badanaa weerarada uu qaado gallaydhku kuma guuldarraysto oo waa uu ka baaraandegaa.
Dribraahimm@gmail.com
Mayeedhaan Magazine.