Xirnaanshaha Waddooyinka ayaa sameeyay dhaqdhaqaaqii ay sameynayeen gaadiidka dadweynaha ee ka imaan jiray Degmooyinka Yaaqshiid, Heliwaa,Kaaraan iyo Cabsi Casiis ee Imaan jiray degmada Xamarweyne.
Sida goor dhow lagu shaaciyay barta Twitterka ee NISA Agaasimaha Nabadsugida iyo Sirdoonka Soomaaliya Xuseen Cusmaan Xuseen waxaa uu soo dhoweeyay wafdi uu hoggaaninayay Taliyaha Nabadsugida iyo Sirdoonka dalka Sudan (NISS) oo booqasho rasmi ku yimid magaalada Muqdisho.
Waxay ugu horeyn gaareen madaxtooyada Soomaaliya, iyadoo kadib la qorsheeyay inay gaaraan xarunta Hay’adda Nabad Sugidda iyo sirdoonka Qaranka ee Habar Khadiijo.
Wararka ayaa sheegaya in socdaalka Taliyaha Nabadsugida Sudan uu ka dambeeyay martiqaad ay Hey’adda Nabadsugida u dirtay, waxaana jiray kulan dhowaan magaalada Khartoum ku dhex maray Taliyaha Nabadsugida Sudan Salah Gosh iyo Fahad Yaasiin ka hor inta aan loo magacaabin Taliye kuxigeenka Nabadsugida.