Maxaad kala socotaa Ujeedka Safarka Wasiirka A/Dibadda Ereteriya ee Hargaysa

0

Maanta waxaa socdaal aan horay loo sii shaacin ku tagay Magaalada Hargeysa Wasiirka Arrimaha Dibadda Ereteriya Cusmaan Saalax Maxamed , waxaana socdaalkaas War kasoo saartay dowladda Ereteriya.

Wasiirka Warfaafinta Ereteriya Yemana G Meskel ayaa sheegay in safarka wasiirka uu ku wehlinayo la-taliyaha dhinaca amniga ee Madaxweynaha Ereteriya, isla markaana booqashadooda ay qaadan doonto mudo laba Cisho ah.

Qoraal kasoo baxay Wasiirka ayaa sidoo kale lagu sheegay in booqashadaas ay qeyb ka tahay xoojinta xiriirka Gobolka iyo dadaalka loogu jiro taas oo uu horay u bilaabay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Marka laga yimaado hadalka wasiirka Warfaafinta Ereteriya ayaa Wasiirka Arrimaha dibada dalkaas Cusmaan Saalax Maxamed oo  Warbaahinta kula hadlay Hargeysa waxaa uu sheegay in booqashadaas uu u soo diray Madaxweynaha Ereteriya,isla markaana lagu ogaanayo waxa ka socda Soomaaliland.