Maxaad ku Taageertay Farmaajo? Waddaninnimo, Aaway Hee? Itoobiyaan Naceyb, Aaway Hee? Mususq La dagaallan A……..

0

Dad badan ayaa marka ay Arkaan Cinwaanka ama horudhaca Sheekadaan Hubsiimo la’aan uga caroon kara, balse Muhiimaddu waxay tahay in aad si deggan uga Fakarto waxa uu qoraagu uga hadlayo iyo meelaha uu taabanayo.

Ma aha Dhaaliil wax Dumineysa, ee waa Wax cad oo loo hayo qeexitaanno in Dowladda oo markii la doortay sheegtay in ay 3 Bilood is beddel ku keeni doonto aysan sidii loo baahnaa wax u qaban.

Waxay madaxda Dalku ku dhawaaqeen in Ammaanka wax laga qabanayo, wey jirtaa in is beddello jiraan, balse waa kuwo Jidad badan oo dadka muhiim u ahaa lagu xiray haddana lama xakameyn wixii ay aheyd in la xakameeyo oo ah Qaraxyada iyo Weerarro toos ah oo ka yimaada dhinacyada dowladda kasoo horjeeda.

Haddaba sheekadaan waxaa Sameeyay Nuur Cali Faarax oo ah Suxufi aad indhaha ugu haya Siyaasadda lehna waaya Aragnimo ka badan 10-sano oo dhanka Warbaahinta qeybaheeda ah, waa Aragti ee ma aha Dowlad iyo dal Naceyb Toona.

 

Markuu Ololaha Ku Jiray, Haddaad Taageerayaashiisa Weydiisu Wuxuu Uga Duwan Yahay Kii Hore, Waxay Dhihi Jireen “Waa Waddani oo Itoobiyadaan Dalka Waxay Rabta Ka Sameysata ayuu Meel Naga Saarayaa”. Markii Ugu Horeysay ee uu Noo Matalay Inuusan Itoobiya Tageen, Waatuu Ku Adkeysan Waayay Go’aankiisa.

Markaad Hadda Tiraa “Ma Itoobiyaa Naloo Keenayaa Hadda”? “Mayee, Ihi, oo Ma Awalbey Maqneed…Naqash-Naqash iyo Waddaniyad Cidlaa Bey Baratay, Isdhaameelis, Jees-Jees iyo Mawluuc Kaloo Laguugu Dul Furo” ayay Kaaga Baxayaan.

Markaad Ku Yiraa “Waataan Kii Hore Ku Eedeyn Jirnay Ammaankeenuu Beylahshay, oo Qarax Baa Na Baaba’shay, Musuq iyo Koox Gaara ayaa Dowladnimadii Afka u Dhigtay ee Waa Maxay Malaayiintaan Inta Shaqsi Jeebka Loogu Shubo La Leeyahay Kula Dagaal Madaxweyne Gobol Hebel oo Adigu Madaxweyne Ku Noqo, Qaraxyadaan Tarab-Tarabta Loogu La’anayo, iyo Qurba-Joogtaan Xitaa Guddoomiye Degmo Iyaga uun Laga Dhigay”.

Waxay Jeexayaan Qardaha, oo Waxay Ku Oranayaan “Kaligiis Muxuu Qaban Karaa, Mucaaradaa La Daba Taagan Tihiin, Qaran Dumis Baa Tihiin, Maxaad Isu Weydiinee Su’aalahaas, Qabyaaladaa Ku Waddo, Xildhibaan Hebel aa Saana, Saas Maxay u Sameyn Waayeen Iyagu, 1991-kii Baa Loo Noqonayaa IWM”.

Waan Yaabee, Kii Hore Maloo Masaajeen Jiray? Afka Miyaa Laga Qabsan Jiray oo Kan Buu Cadaadisku Ku Bilowday? Waxaa Iyana Iga Gadmi La’ In Kan Laga Fadlilayo Kii Hore, Iyadoo ay Kani Ka Hoos Dhacayaan Waxaan Aragnay Bilo Kooban oo uu Joogay Xafiiska. Haddiiba ay Jirto, Ma Tuuganimaa Kala Xalaalsan? Ma Ammaan Xumadii Horaa Ka Xanuun Badan Tan Hadda Taagan? Ma Eex Baa Eex Dhaanta? Xasadnimo Badnaa Dadkaan, Mey Ugu Yaraan Xitaa Wax uun u Ogolaadaan Kii Hore!!!?

Wax Kalaba Kasoo Tag; Aaway Wixii Balan-Qaad La Sameeyay ee Lahaa Amni Xajin, Hormarin, Jidadkoo La Furo (Illeen Isagaa Ku Tilmaamay Caburin e), Shacabka iyo Ciidanka oo Loo Diyaariyo Ka Wada Shaqeynta Nabadgelyada iyo Wadaagidda Xogaha Ammaan Adkeynta iyo Kuwa Kaloo Badan?

Ma Waxay Isu Bedeleen Dowlad Goboleedyada La Dagaal, Ciidankii Dowladda Ku Tilmaan Qabiil oo Ka Gooso Mushaarka, Itoobiya Xamar Kusoo Celi, Kooxdii Hore Colaadi, Wax Kastoo Kii Hore Sameeyay Baabi’i iyo Si aan Sharci ahayn u Qoro Shaqaale Facebook-ga Dacaayad Ugu Faafiya Dowladda, Ilaa La Caayo Dadkii Soo Doortay Isaga?

Yaab!!!

W/Qoray Nuur Ali Farah