Maxakamadda Sare ee dalka oo Dalbatay in Garsooreyaasha xuquuqdooda lagu Daro Miisaaniyadda Dowladda

0

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka ayaa sheegay in ay tahay wax lagama maarmaan ah in Xuquuqda Garsooreyaasha lagu daro Miisaaniyadda dowladda, taasoo keeni karta in la helo Caddaalad buuxda.

Ibraahim Iidle Suleymaan ayaa daaha ka qaaday in inta ay garsooreyaashu baahanyihiin oo aysan heysan xuquuq ku filan oo dhanka dowladda aysan caddaaladi jiri Karin, isagoo sheegay in garsooreyaasha dalku ay hadda ku shaqeeyaan duruuf aad u adag.

“Garsooreyaasha Maxkamadda Sare iyo kuwa Maamul Goboleedyadaba waa in lagu daro xuquuqdooda Miisaaniyadda Dowladda, markaas ayey tahay waqtiga rasmiga ah ee la helayo Caddaalad dadka oo dhan isku si u deeqda” ayuu yiri Ibraahim Iidle.

Kulan loogu tababar loogu soo xirayay Garsooreyaal ka socda Galmudug iyo Hirshabeelle oo maanta Muqdisho ka dhacay ayuu hadalkaas ka sheegay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ibraahim Iidle Suleymaan.