Maxamed Cabadi Afey oo ka hadlay qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan Kenya, Jabuuti , Yemen iyo uganda

0

Maxamed Cabadi Afey , Uqabilsanaha QM ee arrimaha qaxootiga Soomaliya ayaa walaac ka muujiyey xaalada ay ku noolyihiin qaxootiga Soomaliyeed ee ku jira xeryaha qaxootiga ee caalamka.

 

 

Wuxuu sheegay inuu socdaal ku tagay dalalka Yemen, Ehopia, Jabuuti, Kenya Iyo Uganda oo ay xeryo qaxooti oo dalalkaas ku yaala  ay ku jiraan qaxooti Soomaaliyeed oo uu xusay inay ku noolyihiin daruufo adag oo dhinaca nolosha ah .

 

Mr Afeey wuxuu  tilmaamay in xeryo qaxooti aysan suurtagal ahayn In laga hayo mudo 30-sano iyo ka badan, isagoo carabka ku dhaftay inay adagtahay ku noolaansha xero qaxooti.

 

Wuxuu  si aad ah uga hadlay xaalada qaxootiga soomaalida ee ku nool dalka Yamen oo uu sheegay in dhibaatooyin adag ay ku heystaan dalkaas, una sii dheertahay dagaalka ka socda Yamen, oo ay waxyeelo ka soo gaarto soomaalida, gaar ahaan kuwa qaxootiga, waxaana ka deyriyey nolosha dadka xeryaha dalkaas ku jira..

 

 

Maxamed Cabdi Afey oo horey IGAD u qaabilsanaa arrimaha Soomaaliya ayaa loo magacaabay mar sii horeysay uqaabilsanaha QM ee arrimaha qaxootiga Soomaaliya, kadib markii kenya ay sheegtay inay dib u celineyso qaxootiga ku sugan dalkeeda.

 

Qaxooti badan oo Soomaaliyeed oo mudo badan ku nolaa dalalka Jabbuuti, Kenya iyo Yemen ayaa dib dalkoodii ugu soo laabtay kadib markii xalaadaha nolosha ee xiryahihii ay ku noolaayeen mudada fog ay u dul qaadan waayeen .

Xogdoonnews:

Muqdisho Somalia

Xogdoon2015@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here