Maxay Al-shabaab ka Yiraahdeen is dhiibista Sheikh Mukhtaar Roobow & Cida Wehlisa?

0

Warbaahinta Al-shaabaab ayaa lagu qoray warbixin looga ka hadlay wararka saakay soo baxay ee sheegaya in Sheikh Mukhtaar Roobow uu si rasmi ah isugu dhiibay maamulka Koonfur galbeed iyo Dowladda Soomaaliya.

Al-shabaab ayaa xaqiijiyay in Abuu Mansuur uu safka Xarakada Al-shabaab ka baxay Lix sano ka hor ka dib markii uu khilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo Hogaamiyihii Al-shabaab ee geeriyooday Axmed Cabdi Godane (Abuu Subeyr).

Al-shabaab ayaa sheegay in Sheikh Mukhtaar iyo 7-ka mid ah ilaaladiisa ay hadda ku sugan yihiin magaalada Xudur ee Gobolka Bakool halkaasi oo ay kulamo kula leeyihiin Saraakiil ka tirsan AMISOM iyo Dowladda Soomaaliya,sida hadalka loo dhigay.

Wasiirka Gaashaandhiga Dowladda Soomaaliya iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Wadaadka ka soo galbiyay deegaanka Aba loo qiyaastii 20km u jirta magaalada Xudur.

Al-Shabaab ayaa doonayay iney dilaan ama nolosha ku qabtaan Abuu Mansuur ka dib markii ay fashil ku dhamaadeen wada hadalo u socday Al-shabaab iyo Wadaadka ka dibna dagaal faraha looga gubtay ay Al-shabaab ku qaadeen deegaanka Aba loo wadaadka iyo ciidamo ilaalo u ah ay ku sugnaayeen.

Ugu danbeyn Sheikh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur ayaa maanta isku soo dhigay Dowladda waxaana hadda laga arinsanayaan sida laga yeelayo Wadaadka.