Maxay Dowladda Somalia ka tiri Qaraxii Maanta

0

Dowladda Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay Qaraxydii iyo sidoo kale Weerarkii maanta ka dhacay xarunta Otta Otta oo ay degan yihiin Wasaaraddaha Arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in gebi ahaanba lasoo Afjaray Weerarkii  Al-Shabaab ay ku soo qaadeen xarunta Wasaaradda Arrimaha gudaha.

Waxaa uu sheegay in ay jiraan dhaawacyo iyo dhimasho, waxaana uu tilmaamay in Caafimaad dibadda ah loo qaadi doona dadkii maanta ay waxyeelado soo gaartay ee aan dalka wax looga qabankarin

Dadka dhintay ayaa u badan shaqaalihii Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya sidda uu sheegay wasiirka.

“Dowladda Soomaaliya dadaalkeeda inta ugu badan waxay ku bixisaa in dadka Soomaalida ay helaan amni iyo amaanno, ka soo reynayay muddoyinkii ugu dambeysay oo talaabooyin laga qaadayay, Ciidamada amniga iyo dowladda qeybaheeda kale waa ay la falgaleen waqti kooban ayay ku soo afjareen, raggii argagixisada ee weerarka soo qaaday gebigoodba waa la dilay” ayuu yiri Wasiirku.

Ugu yaraan 9 qof ayaa la xaqiijiyey inay ku dhinteen weerarkii lagu qaaday xarunta Otto Otto ee ay degan yihiin Wasaaraddaha Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka.

Dadka dhintay ayaa iskugu jira, shaqaale dawladeed, dableydii weerarka qaadday, ciidanka amniga ee dawladda iyo dad rayid ah.

Dhaawaca ayaa inta isna la xaqiijiyey kor u dhaafaya 15 qof.