Maxay tahay sababta ka dambeysa ceyrinta Jose Mourinho ?

0

Kooxda kubadda cagta ee Manchester United ayaa si deg deg ah ugu dhowaaqday ceyrinta Macallin Jose Mourinho, balse waxaa la is weydiinayaa sababta soo dedejisay ceyrinta Jose Mourinho.

Qaabka billaabashada xilli ciyaareedkan ee aadka u hooseysay ayaa saldhig koowaad u ah in shaqada laga ceyriyo macallinka reer Portugal.

United ayaa waxa ay hadda ku jirtaa booska lixaad ee kala sarraynta horyaalka Premier League, waxaana 19 dhibcood ay ka hooseeyaan hooggaamiyeyaasha EPL-ka ee Liverpool.

Kullankii ugu dambeeyay ee uu kooxdan maamulo ayaa ahaa kullankii Red Devils ay qasaaro 3-1 ah kala kullantay kooxda Liverpool.

Manchester United ayaa  kullanka soo aaddan waxa ay la ciyaari doontaa Cardiff habeenka Sabtida ee December 22 kullanka ka tirsan Premier League-ga.

Sidoo kale waxyaabaha ka qayb qaatay in la eryo Mourinho waxaa ka mid ah in ay isku wanaagsanayn in badan oo ka mid ah ciyaartoyda ugu muhiimsan kooxda.