Maxay tahay sababta loo fasaxay shaqaalaha Dowladda?

0

Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha Dowladda Federalka Soomaaliya ayaa sheegtay Shaqaalaha Dowladda inay fasax yihiin muddo laba cisho ah oo ka bilaabanaysa maalinta Sabtida.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu wargeliyay Hay’addaha Dowladda in dhamaan shaqaalaha Dowladda ay fasax yihiin maalmaha Sabtida iyo Axadda Ciida awgeed.

Qoraalka ayaa lagu sheegay sidaan “Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha Bulshada waxay ku wargelinaysaa dhamaan Hay’addaha Xukuumadda Federaalka Somaliya iyo Hay’addaha gaarka loo leeyahay shaqaalahooda in ay tahay fasaxa Ciidda Carrafo maalmaha Sabtida iyo Axadda hadii Alle uu idmo, kuna aadan 2-3 Bisha September 2017.”

Wasaarada Shaqada iyo Shaqaalaha ayaa fasaxa Shaqaalaha Dowladda u tiigsatay Qod.30aad, ee sharciga Shaqaalaha Dowladda.

Shaqaalaha u shaqeeya Dowladda ayaa la fasaxaa maalmaha farxada Ciida iyo maalmaha ay jiraan feestooyinka waaweyn ee Dowladda ay xusto.