Maxkamad ku taala Mareykanka oo xukun ku riday Haweeney Soomaaliyeed

0

Maxkamad ku taalla Magaalada Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa xukun ku riday haweeney Soomaaliyeed oo la sheegay inay qiratay dambi ahaa inay taageertay Al-shabaab .

 

Aamina Maxamed Ciise ayaa la sheegay in ururka Al-shabaab ee ka dagaalama Soomaaliya ay u diri jirtay bishiiba lacag dhan 850 Dollar.

 

Waxay qiratay dambiga ah inay taageero dhaqaale siin jirtay Al-shabaab , iyadoona in ay bilowday sanadkii 2014-kii, inay dhaqaale ku taageerto Al-shabaa oo dagaal kula jira dowlada Soomaaliya iyo dhinacyada taageera.

 

Charles Kovats oo ah Kaaliyaha Xeer Ilaaliyaha ayaa waxuu sheegay in Aamino Maxamuud Ciise oo 43 jir ah ay qiritay kiiska lagu soo oogay, waxaana lagu riday 5 sano oo xabsi ah.

 

Waxaa lagu raad joogaa Labo Haween ah, kuwaasi oo iyaguna garab ku siin jiray Haweeneydan in ay lacago u dirto Shabaab, sida ay sheegeen saraakiisha laamaha ammaanka dalka Mareykanka.

 

Xogdoonnews:

Muqdisho Somalia

Xogdoon2015@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here