Maxuu Farmaajo u Sheegay Macalinka 17 jirada Somalia kadib Xiriirkii qadka Telfoonka?

0

Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa qadka taleefanka kula hadlay Ciyaartoyda 17-jirada ee xulka Qaranka Soomaaliya oo galabta Ciyaarta Finalka la ciyaaraya Xulka 17-jirada Tanzania.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu horeyn la xiriiray Tababaraha Xulka 17-jirada Soomaaliya Macalin Salaad Gaab, isagoo ugu hambalyeeyay dadaalka wanaagsan uu u galay in ciyaartoyda uu soo gaarsiiyo ciyaarta kama dambeysta iyo magaca uu u soo hoyay Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa u rajeeyay guul inay koobka soo qaadaan, isla markaana dalka u soo hoyaan magac wanaagsan, isagoo salaan guud u diray ciyaartoyda, kuna dhiira geliyay inay guul u keenaan dadka Soomaaliyeed.

Intaas kaddib ayaa Ciyaartoyda dhalinyarada waxay qaadeen astaanta Calanka Qaranka Soomaaliyeed, waxaana Tababare Macalin Salaad Gaab uga mahadceliyay dhiira gelinta iyo xiriirka uu la soo sameeyay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu waday inuu aado magaalada Bujumbura ee dalka Burundi, si uu uga qeyb galo daawashada ciyaarta Finalka, hase ahaatee farriimo baraha bulshada saacadihii la soo dhaafay lagu baahiyay ayaa la rumeysan yahay inay sababtay inuu baajiyo safarkiisa, kaddib markii is barbar dhig ay dadka ku sameeyaan ciyaarta Finalka iyo xaalada ka jirta Beledweyne oo boqolaal kun oo Soomaali ku barakaceen fatahaada wabiga Shabeelle, dadkaas ay taagan yihiin meel cidlo ah