Meletariga Nigeria oo Badbaadiyay 76 Gabdhood oo u Afduubnaa Boko Haram

0

Saraakisha dowladda Nigeria iyo  waaliidiinta qaar ka mid ah caruurtan laga soo furtay BokoHaram ayaa xaqiijiyay in hadda xorriyaddooda ay heystaan Caruurtaan.

In kabadan 90 gabdho ah oo ka mid ahaa caruur laga afduubtay schoolkooda oo ku yaalay waqooyiga Nigeria ayaa ka baxsaday kooxdaan.

Madaxweynaha Dalka Nigeria Maxamed bukhaari ayaa ku amray wasiirka difaaca iyo kan arimaha dibadda in si gaar ah ay ula socdaan xaaladda gabdhahaan laga soo bad baadiyay kooxdaan BokoHaram.

Maxamed Bukhuri  ayaa sidoo kale sheegay in Wasiirka difaaca iyo dhammaan saraakiisha kale eedhanka ammaanka uu  waajib ka saran yahay sidii loo soo bad baadin lahaa gabdhaha kale ee wali ku maqan gacanta BokoHaram.

Kooxahaasi mayalka adag ayaa dagaal ka dhan ah dowladda Nigeria  bilaabay sanadkii 2009kii , iyaga oo weeraradooda la bar til maameedsaday weeraro badan Ciidamada dowladda iyo saraakiisha ammaanka Nigeria.