Meletariga Soomaaliya & Ciidamada Kenya oo ku dagaallmay Gedo

0

Ciidamda dowladda Soomaaliya iyo kuwa Kenya ayaa ku dagaallamay Gobolka Gedo, sida ay sheegayaan wararka laga helayo Gobolkaas.

Dagaalka ayaa ka dhacay degmada Ceelwaaq, halkaas oo Ciidamada Kenya ayaa weeraray fariisin ay ciidanka dowladdu ku lahaayeen Gobolkaas, sida ay Saraakiishu sheegayaan.

Saraakiil u hadashay Ciidanka Meletariga Soomaaliya ayaa sheegaya in Kenya ay ciidamadeedu dhowr mar isku dayeen in ay Weerar ku dilaan Xubno ka tirsan Ciidamadooda, balse ay jawaab adag ka bixiyeen.