Mooshin ka dhan ah RW Khayre oo la diyaarinayo

0

Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ayaa waxa ay shaaciyeen inay wadaan mooshin ay ku doonayaan in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyre in uu ku hor-yimaado Golaha Shacabka Soomaaliya si ay wax uga weeydiiyaan wax ka qabashada xaalada dalka oo ay sheegeen in Xukuumadda ku fashilantay.

Xildhibaan Cabdi Fitaax Ismaaciil Daahir oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa sheegay inay wadaan qorshahaas  ah in Ra’iisul Wasaaraha hor yimaado Baarlamaanka,isla markaana ay su’aalo dhwor ah weeydiiyaan.

Waxa uu sheegay Xildhibaanka in weli aysan dhicin in Ra’iisul Wasaare laba Sano Shaqeynayey ee aan Baarlamaanka hor-imaan,isla markaana Ra’iisul Wasaare kheyre uu horay u balan qaaday in uu hortagayo balse aysan dhicin taasina uu juhdi badan ku bixiyey.

Xildhibaan Cabdi Fitaax Ismaaciil Daahir ayaa waxa uu ka mid yahay Xildhibaannada aad u dhaliilsan Siyaasada xukuumadda Soomaaliya,waxaan uu ka mid ahaa Xildhibaanadii iyo Siyaasiyiintii ku shiray Magalada Nairobi.