Mooshinka Jawaari oo La Shaaciyay Xilliga La Horgeynayo Baarlamaanka

0

Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee Mooshinka kawada Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa waxa ay sheegeen in aysan jirin tanaasul ku aadan Mooshinkii ay wadeen.

Xildhibaan Cabdi Cali Xasan oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaliya oo la hadlay warbaahinta muqdisho ayaa sheegay in mooshinka ay kawadaan Gudoomiye Jawaari uu wali taagan yahay.

Waxa uu sheegay in waan-waanta uu wado Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Farmaajo aysan aheyn mid sharci ah, madaama uusan la kulmin Xildhibaanadda mooshinka kawada Gudoomiyaha.

“Madaxweynaha lama hadlin raggii Mooshinka waday, sharcina uma lahan inuu burburiyo Mooshinka, wuxuu la kulmay Guddoonka Baarlamaanka, waxaan Arbacada horgeyn doonaa Mooshinka xildhibaanada Golaha Shacabka”, ayuu yiri Xildhibaan Cabdi Cali Xasan.

Waxaa wali taagan Xiisadda ka dhalatay Mooshinka laga keenay Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Jawaari, inkastoo Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo uu wado dadaalo ku aadan in la xaliyo Arinta Khilaafka Baarlamaanka Soomaaliya.