Mucjiso:-Magaalo Guureysa oo Lagu Arkay Degmadda Jalalaqsi!!!

0

Wararka ka imaanaya Degmadda Jalalqsi ee Gobolka Hiiraan ayaa ku waramaya in tuulo la yiraahdo Qoryaale maanta lagu arkay, mucjiso dad badan ay ka dhaadhici la dahay.

Dadka ku dhaqan tuulada Qoryaale oo 18 KM u jirta degmada Jalalaqsi oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay iney arkeen Culimada, duqoyda, dhalinyarada deegaanka, Guryo iyo Masaajido leerar ay ka shidan yihiin oo dul maraya tuulada qoryaale oo dhacda Tuulooyinka hoos yimaada Degmada Jalalaqsi.

Dhanka kale Taliyaha Ciidamada dowladda ee degmada jalalaqsi Faarax Aadan Gaafoow ayaa xaqiijiyay mucjisada lagu arkay duleedka degmada Jalalaqsi ee gobalka hiiraan.

Taliyaha ayaa sheegay iney dadka deegaanka lasoo xiriireen taliska ciidamada dowladda ee Gobalka Hiiraan arintaasina ay u xaqiijiyeen