MUDANE MADAXWEYNE 11-KAAN DHACDO EE DALKA SOOMAALIYA KA DHACAY 11-KII BILOOD EE MADAXWEYNAHA AAD KA AHAYD MA OGTAHAY, MISE MAQASHAY?!

0

Madaxweynaha dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la hordhigay 11 Dhacdo oo aysan aheyn middoodna in laga Aamuso, kuwaas oo dhacay 11-ka Bilood ee uu Talada dalka joogay.

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, mudane Mahad Salaad oo ah mudane aan la gamban Afkaarta ku jirta ayaa Madaxweynaha ka Codsaday in uu kasoo Jawaabo Hal-xiraalaha horyaalla ee ah, 11-kaan dhacdo ee Soomaaliya ka dhacay 11-ka Bilood ee aad Talada joogto Ma Ogtahay?

HALKAN KA AQRI 11-KA DHACDO

  1. Xasuuqii Bariire!
  1. Mujaahid Qalbi Dhagax in la dhiibay!
  1. Hirshabelle in la dumiyay, Galmudug iyo Koonfur Galbeedna la dumin rabay, laguna fashilmay!
  1. Dowlad Goboleedyada inay Kismaayo ku shireen samaysteena Madal ka madax banaan Dowlada Federaalka ah!
  1. Xasuuqii 14-kii October ee kunka qofood lagu xasuuqay!
  1. Taliyeyaashii Nabad Sugida iyo Booliska in xilkii laga qaaday walina kuwa cusub aan la magacaabin!
  1. Wasiirkii Gaashaandhiga Abdirashiid iyo Taliyahii Ciidamada Gen. Cirfiid inay iscasileen!
  1. Wasiirad Maryan Qaasim inay iscasishay!
  1. Ciidankii Xooga Dalka Soomaaliya inla kala diray booskoodiina lagu badalay maleeshiyo beeleedyo ay qoreen niman siyaasiin ah iyo wadaado gacan saar la leh Villa Soomaaliya!
  1. Xarigii sharci darada ahaa ee Siyaasiga Abdirahman Abdishakur loo geystay iyo 6-dii dhalinyarada ahaa ee inta la xasuuqay Maydkooda kuwii dilay god ku shubeen eheladoodii oo aan la ogeysiin!
  1. Guriga Senator Abdi Qaybdiid in ciidamo kaa amar qaata galeen, xaaskiisiina musqusha inta ku jabiyeen ugu galeen!

W/Q: Hon Mahad Salad, Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka