Mudane Ra’iisul Wasaare adiga iyo Wasaaradda Maaliyadda ma iska warqabtaan?!

0

Sida uu ku sheegay Ra’iisul Wasaare Hassan Ali Kheyre fariin uu soo dhigay bogiisa Twitterka maanta oo taariikhdu tahay 28/12/2017 in dhamaadka sanadkaan 2017 wax deyn ah looga yeelan doonin gudaha dalka. Xukuumadiisuna ay xooga saartay isla xisaabtan iyo daah-furnaan!

Haddaba, sida ku cad warbixintii Gudiga Maaliyada usoo gudbiyeen Golaha Shacabka 11/12/2017 waxa ay si cad u qeexday in ku talo galkii miisaaniyada ee sanadkaan 2017 la gaari waayay 40 Malyan oo dollar. Isla markaasna Xukuumada Ra’iisul Wasaare Hassan Ali Kheyre ay baalmartay nidaamka maaliyadeed ee dalka u yaala. Tusaale ahaan:

Guud ahaan dakhliga soo xarooday 10 bil ee ugu horaysay sanadkaan (Jan. – Oct. 2017) waxaa uu gaarayaa $182.9 Malyan oo lamid ah bishiiba celcelis ahaan $18.29 Malyan taas uu muujinaysa in sanadkaan guud ahaan saadaasha dakhligu noqonayo ku dhawaaad $220 Malyan maadaama 2 bil oo kaliya ka hartay sanadka sidaasi dardeed waxaa ay u muuqataa in aan la gaari kari doonin saadaashi dakhliga ee ku noqoshada miisaanyadda 2017 oo ahayd $260 Malyan. Sida ku cad warbixinta Gudiga Maaliyada 11/12/2017 u gudbiyay Golaha Shacabka.

Dhanka kale isla xisaabtanka Ra’iisul Wasaarahu uu sheegayo xagee ayuu kajiraa maadaaba warbixinta Gudiga Maaliyada 11/12/2017 u gudbiyay Golaha Shacabka si cad ugu sheegeen in:

  1. Habka kharash bixinta loogu dhaqmin si waafaqsan Mudnaanta kala horumarinta kharash bixinta sida ku cad xeerka qoondada Miisaaniyadda 2017 ee Golaha Shacabku meelmariyay!
  2. Wasaaradda Maaliyadu isticmaashay 20 Malyan oo dollar oo kamid ah lacagtii ka timid Saudi Arabia loona isticmaalay khasrashaad aan hore uga mid ahayn Miisaaniyadii 2017, taas oo aan waafaqsanayn nidaamka maaliyadeed ee dalka!
  3. Wasaaradda Maaliyada aysan bixin lacagtii $50 dollar ahayd ee loo qoondeeyay Ciidamada Qalabka Sida!
  4. Gudiga Maaliyada loo diiday xogtii uu waydiiyay Wasaaradda Maaliyadda iyo Xisaabiyaha guud si uu u qaato go’aamo sax ah. Ilaa hadana gudigu uusan helin intabadan xogahaas!

CAJIIB! Haddaba, waa yaabka yaabkiise ma Ra’iisul Wasaaraha ayaan kawar haynin xogta maaliyadeed ee Wasaarada Maaliyadda taala, mise marin-habaabintii iyo faankii ayaa heerkaas la gaartay?!

W/Q: Xildhibaan Mahad Salad