Muhaajiriin ay Soomaali ku jirto oo lagu Xirxiray Liibiya

0

Xukuumadda bariga dalka Liibiya ayaa sheegtay in la xiray 81 muhaajiriin ah oo ka soo jeeda dalalka Eritrea, Ethiopia iyo Somali, kuwaas oo doonayay in ay u Tahriibaan dalalka Qaarada Yurub.

Ahmed Al Arifi oo ah sarkaal ka tirsan Waaxda ka hortagista Muhaajiriinta ayaa sheegay in ay kooxdaasi Muhaajiriinta ah ay ka qabteen bariga magaalada Benghazi.

Sarkaalkan ayaa xusay in dadkaasi oo si sharci ah ku soo galay dalka Liibiya dhawaan loo masaafurin doono dalalkii ay ka yimaadeen.

Liibiya ayaa ah dalka ugu weyn ee Qaaradda Yurub ay ka galaan Muhaajiriinta ka yimaada Qaarada Afrika, iyadoo Sanadkii hore ku dhawaad 120,000 oo ruux ay ka gudbeen Badda Mediterraneanka, kuwaas oo gaaray qaar ka mid ah dalalkaYurub.

Dadka Muhaajiriinta ah ayaa la sheegay in ay soo maraan dhulka Saxara ah ee u dhaxeeya dalalka Liibaya iyo Suudaan, halkaas oo ay ka kala kulmaan dhibaatooyin fara badan.

Soomaali badan ayaa qeyb ka ah Muhaajiriinta gaarta dalka Liibiya, si ay uga sii gudbaan dalalka Qaarada Yurub.