Muhaajiriin Soomaali ah oo Dooni kula degtay Xeebaha Yemen

0

Muhaajiriin badan oo kasoo Jeeda Qaaraddan Afrika ayaa Doon ay la socdeen waxya kula degtay Xeebaha Dalka Yemen, xilli ay doonayeen in dalkaas ay kaga sii gudbaan Sucuudiga.

Muhaajiriinta waxaa ku jiray tiro Soomaali ah, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay waxaa ay Kooxda Tahriibasa dadka ay rasaas ku fureen Muhaajiriinta ay wadeen oo marayay meel aan sidaas uga fogeyn xeebaha Yemen.

Doonta ayaa la sheegayaa in ay jiraan dad ka badbaaday, kuwaas oo ka sheekeeyay waxa sababay in ay quusto oo ay dad ku dhintaan.

Tirada dadka doonta Saarnaa waxay Qaramada Midoobay ku sheegtay 150 qof, waxayna isugu jireen Itoobiyaan iyo Soomaali.

Inta la ogyahay 30 qof oo la mid ah dadka Tahriibayay ayaa ku dhintay Qalibanka doonta ay la socdeen.