Muhaajiriin Soomaali ah oo lagu qabtay xeebaha dalka Liibiya

0

Ciidamada Ilaalada Xeebaha Dalka Libya ayaa qabtay doonyo ay la socdeen ku dhawaad 850 Ruux oo loo maleenayo in ay ku jiraan Muhaajiriin Soomaaliyeed oo doonayay in ay gaaraan Xeebaha Dalka Talyaniga.

Afhayeenka Ciidamada Xeebaha Dalka Liibya ayaa sheegay in Muhaajiriintaasi ay ka soo jeedaan Dalalka Afrika waxaana ku jira 79 Ruux oo Haween ah oo 11 ka mid ahna lagu sheegay in ay yihiin kuw uurleh.

In ka badan 30,000 oo ka baxay Dalka Libya ayaa doonyo ku gaaray Xeebaha Dalka Talyaaniga Sanadkan.

Dalka Libya ayaa noqday marin loo maro Dalalka kale ee Yurub, waxaana bilihii ugu dambeeyay la soo wariyay in boqolaal qof ay ku dhinteen Biyaha u dhaxeeyay Dalalka Talyaaniga iyo Liibya.

Bishii March, Wasiirka Difaaca ee Dalka Farnsa ayaa sheegay ku dhawaad 800,000 oo ku sugan Dalka Libya in ay qorsheenayaan in ay u soo jiheestaan Dalalka Yurub.

Muhaajiriintaasi faraha badan ayaa lagu sheegay intooda badan in ay ka soo kala jeedaan Dalalka Soomaaliya, Sudan iyo Eritrea.

Dhawan ayee aheyd markii Muhaajiriin ku dhow 500 oo ka soo baxay Xeebaha Masar ay ku dhinteen Biyaha Medetereeniyaanka oo u dhaxeeya Dalaka Liibya iyo Talyaaniga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here