Muqdisho:-Askari Dilay Wade Bajaaj oo Gacanta lagu dhigay

0

Askari ka tirsan ciidamada ammaanka dowladda federaalka gaar ahaan kuwa xasilinta ayaa nin watay Mooto Bajaajle waxa uu ku dilay halka loo yaqaano isgoyska IVECO ee wadada Warshadaha.

Dadka deegaanka ayaa waxa ay inoo sheegeen dilkan inuu yimid kadib markii uu muran dhexmaray askariga dilka geystay iyo ninkii Mootada watay Allaha u naxariistee.

Qaar ka mid ah wadayaasha Mooto Bajaajta ayaa xaqiijiyay in askariga uu qaladka lahaa, waxaana qaar ka mid ah dhalinyarada Mootada ku shaqeysata ay halkaasi ka dhigeeen banaanbax kooban oo falkan ay uga soo horjeedaan.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya meydka ninka la dilay in daqiiqado uu halkaasi yaallay, iyada oo ciidamada ammaanka ee ku baxay falkaasi ay goor dambe gacanta ku dhigeen gacan ku dhiiglihii dilka geystay.

Dhibaatooyinka dhalinyarada mooto Bajaajta wata ay kala kulmaan ciidamada dowladda ayaa aad u sii kordhaya maalmahan dambe, maadaama maalmo kahor Muqdisho lagu laba dhalinyaro aheyd oo Bajaaj ku shaqeysan jirtay.