Muqdisho barkontorool oo Xalay la weeraray

0

Rag hubeysan oo loo maleynayo in ay ka tirsan yihiin ururka Al-shabaab ayaa xalay weerar ku qaaday laba barkontorool oo ku yaalla duleedka magaalada Muqdisho, sida ay  sheegeen Saraakiisha ammaanka.

Raggan hubeysan ayaa weeraro isku mar bilowday waxa ay ku kala qaadeen fariisin ciidanka dowladda ay ku leeyihiin Siinka-dheer iyo fariisin kale oo ciidamo Nabad sugid ah ay ku leeyihiin xaafada Galmudug oo ka tirsan degaanka Garasbaaley.

Guddoomiye kuxigeenka dhinaca arrimaha bulshada degaanka Garasbaaley Mudane Cabdullaahi ayaa  sheegay in weerarka uu ahaa mid kooban oo ciidamada ay iska difaaceen raggii weerarka soo qaaday.

Sidoo kale Guddoomiyaha arimaha bulshada degaanka Garasbaaley ayaa sheegay in Hal askari uu weerarka dhankooda kaga dhaawacmay, balse iyaguna ay khasaare gaarsiiyeen raggi weerarka soo qaaday.

“Waxaan idin xaqiijinayaa in rag ka tirsan Shabaab ay weerar ku soo qaadeen degaanka laba barkontorool oo ku taalla, ciidamada way isku difaaceen dableydii weerarka soo qaaday, Hal Askari ayaa naga dhaawacmay, iyaguna dhankooda Saddex ayaan waxyeelo ka gaarsiinay.” Ayuu yiri Gudoomiye Cabdullahjaasi.

Dadka shacabka ah ee halkaasi ku dhaqan ayaa marqura dareemay cabsi, maadaama halmar ay rasaas is qabsatay, xaalada goobaha ay weerarada ka dhaceen ayaa maanta waxa ay tahay mid degan, ciidamada ammanaka ayaa wada baaritaano amni xaqiijin ah.