Muqdisho oo ka duwan Maanta Sidii Hore & Socdaal Lug ah Aan Kusoo Maray…

0

Magaalada Muqdisho ayaa waxa maanta laga dareemayaa isbadel iyadoo Ciidan badan lagu soo daadiyey Magaalada meelo badan oo ka mid ah.

Ciidanka ayaa waxa lagu arkayaa gaadiiid dagaal iyagoo ku jaray waddooyinka islamarkaana tibaaxay in ay ku dadaali doonaan sidii Amniga uxaqiijin lahaayeen.

Gaadiidka aan dawlada Aheyn looma ogola inay Muqdisho Baabuurtooda isticmaasho waxaana dadka loo fasaxay inay lugeeyaan.

Wariye katirsan Xogdoon News ayaa saaka kusoo lugeeyey Wadada Maka Al Mukarama Ee Muqdisho waxa uu sheegay in ganacsi ka jira Wadadaasi ay jirin marka laga reebo dhowr xarun oo hal albaab qaarkood furtay.

Jawiga ayaa ah mid cidlo ah Wadooyinka Xamar,inta badan Shaqooyinka waa fasax waxaana badankood ay sheegeen in ay shalay sii fasaxeen shaqaalaha iyo ardayda Waxbarashada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here