Muqdisho oo lagu rasaasadeeyay gaari Aroos galbinayay

0

Ciidamo ka wada tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay is rasaaseyn waxa ay ku dhexmartay degmada Dharekeynley ee gobolka Banaadir, sida ay warbaahinta u sheegeen dadka degaanka.

Is rasaaseyntan ayaa waxa ay u dhaxeysay Ciidanka Xasilinta iyo Ciidamo kale oo galbinayay Gaadiid Aroos lagu waday, waxaana halkaasi ka dhacay iska hor imaad kooban, oo khasaare geystay.

Iska hor imaadkan ayaa yimid kadib markii Ciidanka Xasilinta oo halkaasi Howlgal ka waday ay ku amreen Ciidamada Arooska galbinayay in la baarayo gaadiidka ay wataan, si ammaanka loo xaqiijiyo, kadibna ay ka dhega adeegeen raggii hubeysnaa, sidaasina ay ku bilaabatay is rasaaseynta.

Inta la xaqiijiyay laba qof oo uu ka mid yahay wiilka Arooska ayaa dhaawac uu soo gaaray, kuwaasi oo loo qaaday goobaha caafimaad, sida ay inoo xaqiijiyeen dadka degaanka.

Ciidanka xasilinta oo xalay howlgal ka waday degmada Dharkeynley ayaa soo qab qabtay boqolaal dad ah, oo u badan dhalinyaro, waxaana dhacdadan aad u hadal hayaa shacabka ku nool degmadaasi.