Waxey ila tahay inaan Muqtaar Roobow Abuu Mansuur loo isticmaali karin sargaal isu soo dhiibay Dowladda Somalia, waxaana qabaa iney saxaafaddu si kale u dhigto jeedinta arintaan , tan iyo markii uu hadalka ka jeediyay guriga Royal Place ee Muqdisho waxaan joojiyay inaan u isticmaalo ereyga “isi soo dhiibid” waxaanse wali arkaa qorayaal sidaas isticmaalaya ilamana qumana hadii aan hadalkiisa dib raacno.
“Waxaan imid Xamar anigoo marti u ah Dowladda, hadda wada hadal ayaa inoo socdda wax wanaagsan ayaana ka rajeynaya waana ku mahadsanyihiin sida ay isoo dhoweyeen” markii uu intaas ku qudbeeyo qof markisii hore mucaarad duur ku jira ahaa laguma micneeyn karo qof isi soo dhiibay ee waa nin mucaarad ah oo soo dabcay lana hadlaya Dowladii uu kasoo horjeeday, wada hadalka waa la isku fahmi karaa waana la kala boodi karaa.
Hadii isi soo dhiibid la dhihi lahaa Roobow wuxuu lahaa 280 askari oo ilaalisa oo aadna u hubeysan, hadii ay arintu isi soo dhiibid tahay xitaa ciidankiisa ayuu keeni lahaa oo Dowladdu la wareegi laheyd isla waqtigaas, balse askartiisii waxaa ay wali joogtaa meeshii uu isagu daganaa oo aaney Dowladda iyo Shabaabku midna heysan, Ciidanka Roobow waxey sugayaan waxa kasoo baxa wada hadalka labadda dhinac.
Hadii la isku fahmo wada hadaladda Dowladda dhexe iyo Muqtaar Roobow waxaa arinta wadaadkaan loo arkaa heshiis dhex maray Dowladda iyo shaqsi mucaaarad ahaa oo hubeysnaa ,markaas waa mucaarad la heshiiyay Dowladda ee ma’ahan mid isi soo dhiibay.
Astaamaha qof isi soo dhiibay lagu yaqaano waa labo , mida hore waa in ay goobta timaada Dowladdii la isu soo dhiibay oo ay saxaafadda u sheegaan inuu isku soo dhiibay ruuxan kadibna ay ka hadal siiyaan, mida labaadna waa inuu isagu qirto inuu isi soo dhiibay uuna ka shalaaya wixii hore, labadaas miyaad ku aragtay xaaladda Roobow ? hadaba sideen u dhahnaa waa isi soo dhiibay.
Muqtaar oo sida uu sheegay aan 5 sano iyo 7 bilood dhinacna ka tirsaneyn ayaa la aaminsanyahay inuu door biday inuu Dowladda dhexe la heshiiyo waxaana socda wada hadalkii arinkaas, hadii la isku fahmo waxaa uu noqonayaa mucaarad la heshiiyay Dowladii uu kasoo horjeeday kadib ayaana la filaya in la qarameeyo ciidankiisa oo ay soo xaroodaan.
Waxaan rajeynaya ineysan saaxibadeyda qalinku isticmaalin ciwaanka “isu soo diibid” marka ay ka hadlayaan xaaladda Roobow.
Waxaa Qoray: Cabdulaahi Cismaan Faarax
raafac22@gmail.com