Museveni oo shaki ku jiro, Geele oo la hubo, Hailemariam iyo Kenyatta oo maqan iyo wararkii ugu dambeeyay ee madaxda imaan doonta caleemo saarka Farmaajo

0

Madaxweyne Farmaajo ayaa bari lagu caleemo saari doonaa Muqdisho waxaana la filayay iney madax badan kasoo muuqdaan xaflada balse waxaase durba muuqata in madaxda qaar ay ka baaqsadeen xafladaan.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn uu soo gudbiyay cudur daar ku aadan inuusan imaan karin xaflada caleemo saarka Farmaajo waxaana badalkeeda la filaya inuu wefdigooda soo hor kaco wasiirka Arimaha dibadda Tedros Adhanom.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa isna la sheegaya inuu qaadacay inuu bari usoo safro Muqdisho si uu uga qeyb galo caleemo saarka madaxweynaha cusub ee Somalia Maxamed C/laahi Farmaajo.

Ilo muhiim ah ayaa xogdoonnews.net u sheegay in Madaxweynha Kenya Uhuru Kenyatta uu badlkiisa wefdiga Kenya u xil saaray iney hogaamiso wasiirada arimaha dibadda Aamina Maxamed.

Madaxweynaha Uganda Yuweri Musavani ayaa sidoo kale lagu soo waramaya iney macquul tahay inuu ka baaqdo safarkiisa Muqdisho waxaana laga yaabaa inuu badalkiisa soo diro wafdi heer wasiir ah, Uganda waa dalka ciidamada ugu badan ay ka joogaan Somalia.

Ilaa hada waxa la hubaa inuu bari imaan doono madaxweynaha Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geele sida sargaal ka tirsan Villa Somalia uu u sheegay xogdoonnews.net.

IGAD , Midowga Africa, Jaamacada Carabta, Midowga Yurub iyo Dowladda Mareykanka ayaa dhamaan la filaya iney wafuud aan darajadooda la hubin usoo diraan xaflada caleemo saarka madaxweyne Farmaajo.

Maqnaanshaha madaxda dowladaha Itoobiya iyo Kenya oo labaduba saameyn muuqata kuleh amniga iyo siyaasada Somalia ayaa abuuri doonta walaac xogan oo laga qabo sida Dowladda Farmaajo ay ula macaamili doonto dariskeeda.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here