Musharax Juxa oo u digay Dowladda Dhexe

0

Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha dowladda federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Saciid Juxa ayaa sheegay maamulka Puntland inuu galayo doorasho u gaar ah oo masiirkooda iyo rabitaankooda ku dhisan.

Wuxuu sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya iyo cid kasta ay kaga digayaan inay faraha la soo galaan doorashada Madaxweyne-nimo oo dhawaan ka dhaceysa degaanada Puntland.

“Dowladda Federaalka, Puntaland doorasho ayay galeysaa, waa arrin iyada gaar u ah, waa arrin taabaneysa masiirkooda, rabitaankooda iyo mustaqbalkooda, waxaan dowladda iyo cid kasta oo kaleba ka codsaneynaa ugana digeynaa in aysan arrintan faraha la soo gelin.” Ayuu yiri Wasiir hore, Juxa.

Hadalkan ayaa wuxuu ka sheegay munaasabad xalay ka dhacday magaalada Garowe ee caasimadda Puntland, halkaasi oo uu kaga dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan hoggaanka Puntland.

Degaanada Puntland ayaa waxaa si aad ah looga dareemayaa u diyaar garowga doorashada Madaxweynaha Puntland oo dhawaan dhaceysa, waxaana u tartamaya musharaxiin badan oo ay ku jiraan masuuliyiin horey u soo qabtay xilal