Muwaadin Soomaliyeed oo Lagu Xiray Jaziirada Malta

0

Booliiska jaziirada Malta  ayaa xabsiga u taxaabay muwaadiniin u kala dhashay dalalka Soomaaliya, Algeria iyo malta kuwaa oo si sharci darro ah dalka ku soo geliyay mandooriyaasha oo ka mamnuuc ah jaziirada malta.

Ciidamada Booliiska oo xalay baaritaano ka sameeyay magaalooyinka Bugibba iyo Pacevilla ayaa waxa ay sheegeen in muwaaadin soomaalyeed oo 21 jir ah gacanta lagu dhigay kaa oo sugayay in magaalaada Pecevilla oo u gudbiyo daroogooyin ay u soo dhiibeen shaqsiyaad u kala dhashay Algeria iyo Malta waxaana ay ku soo qariyeen baaskiilo ay wateen iyo qolofyada Mobile-ka.

Laamaha amaanka ee jaziirada malta ayaa sidoo kale sheegay in mudoooyinkii dambe ay wadeen howlgalo looga hortagayo waxyaabaha maandooriyayaasha ah ee la soo geliyo dalkaasi waxaana ay ku tilmaameen in ay yihiin kuwa Qatar ku ah dalkan yae e dhaca inta u dhaxeysa  jaziirada sicily iyo xeeebaha waqoyiga qaarada Africa.