Muxuu Puntland uga dhiganyahay heshiiska Galmudug & Ahlu-sunna? (Warbixin)

0

Maamulka Puntland ayaa soo dhoweeyay heshiis Shalay Gelinkii dambe ka dhacay Muqdisho oo ay wada saxiixdeen maamullada Galmudug iyo Ahlu-sunna, kaasoo ka dhigan in ay isku biiri doonaan Labada maamul.

Heshiiskaas ayaa wuxuu yahay mid Saameyn ku yeelan doona maamulka Puntland, in kastoo madaxweyne Gaas uu soo dhoweeyay heshiiska, haddana dadka reer Puntland qaarkood ayaa aaminsan in uu halis weyn ku yahay deegaankooda.

Waxay sheegayaan in markii horeba ay u maaro la’aayeen Galmudug oo aan mideysneyn, balse ay midnimadoodu horseedi karto cawaaqib aan sameyn oo Puntland ay wajahdo.

Marka dhinac laga Eego Puntland dan weyn ayey ku qabtaa in ay labada maamul heshiiyaan, maaddaama ay dhaceyso Xasilloon ka dhalatay deegaanka deriskaada ah ay adigana dan Amni kuu tahay.

Dhinaca dhaqaalaha marka laga fiiriyo Ganacsatada Puntland ayaa rumeysan in Midowgaan uu sababi karo, in badeecado markii hore ay dadka deegaannada Galmudug u doonan jireen Dekadda Boosaaso ay hadda awood buuxda ugu yeelanayaan in ay maamushaan iyagoo ka degsanaya dekada ka dhow taas oo ah midda Hobyo haddiiba dib u dhiskeeda lagu guuleysto.

Ammaanka:-

Dhinaca Ammaanka Puntland ayaa u muuqata mid ka nabad geli karta Weerarro uga yimaada Al-shabaab, maaddaama uu maamul xoog badan ka dhismayo Galmudug, kaasoo ah isku biirka iyo Midowga Ahlu-sunna oo leh quwad Ciidan oo suuragelisay in Galgaduud qeybaha ay ka joogaan ay geli waayaan Shabaab iyo Galmudug oo heysata taageero iyo Ciidan.

Puntland ayaa Sanadkii tegay ee 2016 waxaa ka dhacay weerar ay Al-shabaab qaadeen in kastoo kaasi uu ahaa mid Hungoobay, waxaana Ciidamo dhallinyaro u badan oo ka tirsan Al-shabaab ay ka galeen Puntland xeebta Deegaanka Garacad, halkaas oo maamulka Puntland oo shacabkiisa kaashanaya uu ku guuleystay in ay ka hortagaan in xubnahaas ay u gudbaan deegaannada kale.

Haddii markaas uu dhisnaan lahaa maamulka isku dhafka ah ee Galmudug iyo Ahlu-sunna, ma aysan dhacdeen ama sahlanaateenba in Al-shabaab Ciidan ah oo badan ay ka gudbaan Koofurta Soomaaliya, isla markaana ay weerar ku qaadaan deegaanka Puntland.

Ma Hubo, balse waxaa la ii sheegay in Madaxweynihii hore ee Puntland Dr: Cabdiraxmaan Faroole uu taageero Ciidan iyo mid Maaliyadeedba siin Jiray Ahlu-sunna, si aysan u sahlanaan in Al-shabaab ay weerarro kasoo Abaabulaan Koofurta Soomaaliya isla markaana ay ka fuliyaan Gobollada Puntland ay maamusho.

Taas waxaa ugu dambeysay markii la doortay Dhaqaalayahanka Cabdiweli Gaas oo la sheegay in uu hakiyay dhaqaalahaas oo uu u arkayay mid meel aan sharci aheyn ku socday.

Puntland ayaa dad qaarkood u arkayeen in ay Awood u sheeganeysay maamulka Galmudug oo qabyada ahaa, taasi meesha wey ka bixi doontaa oo si Nabad loo gaaro waxaa ay kala joogi doonaan labada maamul Xudduudahooda iyadoo ama dan guud oo labada maamul ah loo arko ama la kala Baqayo.

Dhaqaalaha:-

Dhaq-dhaqaaqa Dekadda Boosaaso ee Gobolka Bari, marka laga reebo Alaabo iyo xoolaha  ka yimaada deegaannada Puntland, wuxuu ku tiirsanyahay gobollada dhexe, sida Hiiraan, Mudug iyo Galgaduud oo dhanka Dhoofka Xoolaha sida badan dekaddaas u adeegsada.

Marka uu dhismo Maamul mideysan oo Galmudug ah, waxa ugu horreeya ee laga fakari doono waa dhismaha Dekadda Hobyo, si Galmudug ay u yeelato goob ay si xor ah uga heli karto Dakhli dowladeed, sidoo kalena ay Ganacsatadeedu uga dhoofsan karaan ugalana soo degi karaan Badeecadaha ay doonayaan.

Gobollada Mudug, Galgaduud iyo Hiiraan oo dhammaantood xad wadaag ah, waxaa u sahlanaan doonta Ganacsatadooda in ay Xoolaha iyo Badeecadaha kaleba ka dhoofsadaan Hobyo, taasi marka dhinac laga fiiriyo waxay hoos u dhigeysaa dhaq-dhaqaaqa dekadda Boosaaso, dhanka kale marka laga eegana waxay muhiim u tahay Ganacsatada oo waxaa billaabanaya tartan sababi doona meesha dhaqaalaha yar uu uga baxayo ee ay ka helayaan Adeegga ay doonaan oo si hufan loo filinayo, illeyn mar haddii laba Ganacsi oo isku mid ah ay furmaan hadba kan kuu dhow ama kuu qiimo jaban ayaad ka dukaameysan doontaaye.

Ganacsatada guud ahaan Gobollada Mudug, Nugaal, Hiiraan iyo Galgaduud ayaana noqon doona kuwo dantooda ka fiiriya hadba halka ay jirto, marka ay tartan billaabaan dekadaha Boosaaso iyo Hobyo.

Horumarka Guud:-

In la helo dhismaha Dekado Waddooyin iyo Ammaan waa Horumar guud oo ay u wada baahanyihiin Bulshooyinka labada Gobol, sidoo kale waxay wax badan kusoo kordhin doontaa dadka deegaannadaas oo helaya Shaqo Abuur.

Dhinaca kale waxaa billaaban doona tartan dhan walba ah oo Bilicda degmooyinka ah, marka degmo walba ay hesho dhaqaale uga soo xarooda Ilaheeda.

Heshiiskii ay maamullada Galmudug iyo Ahlu-sunna ku gaareen Muqdisho, waxaa uu ahaa mid ay dadka Gobollada dhexe Yididiilo ka muujiyeen, wuxuuna noqon doonaa mid baal dahab ah ka gala Xasillooni ka dhalata Gobollada dhexe oo dhinaca Siyaasadda ah, waa haddii loo dhaqan geliyo sida loogu ballamay.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa sheegay in ay ku faraxsanyihiin Heshiiska ka dhacay Gobollada Galmudug, wuxuuna soo dhoweyn u muujiyay xubnaha cusub ee lagu kordhinayo dowlad Goboleedka Galmudug.

Galmudug ayaa noqon doonta maamulka kaliya ee Yeelan doona Ra’iisul Wasaare marka laga hadlo Hannaanka Federal-ka ah, iyadoo ay maamullada kale oo dhan leeyihiin madaxweyne Guddoomiye Baarlamaan iyo Xubnaha Labada Gole.

Gunaanad:-

Dadka Gobollada Puntland iyo Galmudug ayey tahay in si walba oo loogu tartamo Ganacsi iyo Horumar, in ay ilaashadaan Xasilloonida oo Udub dhexaad u ah Nolosha Aadanaha, haddii aaney Nabadi Jirinna uusan Jiri doonin Horumar iyo Hiigsi midnaba.

W/D: Muuse Cabdi Cabdulle

Aqoontu@gmail.com