Muxuu Salka ku hayaa Safarka Madaxweyne Farmaajo ee Gaalkacyo?

0

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Mudane, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Wafdiga uu hoggaaminayo ee ku sugan Puntland ayaa maanta tegaya magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Safarka Madaxweynaha ayaa ah mid qorsheysan oo uu ku marayo, Puntland iyo Galmudug, wuxuuna salka ku hayaa Nabadda Gobolladaas ka jirta iyo sidii dadka deegaannadaas uu ugala hadli lahaa in ay sii xoojiyaan Ammaanka si loogu guuleysto in Soomaaliya ay leedahay Goobo Xasilloon.

Deegaannada Puntland Safarka uu madaxweynuhu ku maray wuxuu inta badan ahaa mid Dhulka ah, waxaana degmooyin iyo deegaanno ka tirsan Puntland kusoo dhoweeyay dadka deegaanka.

Maamulka Puntland ayaa sheegay in ay si aad ah u adkeeyeen Ammaanka inta uu safarka Madaxweynuhu ku joogay deegaannada Maamulkaas.

Safarka madaxweynaha deegaannada isu diyaarinaya ee Galmudug waxaa ka mid ah, Gaalkacyo, Cadaado, Caabudwaaq iyo Dhuusamareeb.