Muxyadiin Siidow “Qabiilka aan ahay ayey Wasaaradda Warfaafinta igu Faquuqeen”

0

Waxaa Go’aansadey in aan Qalinkeyga ugu hiiliyo Walaalkey Muxyadiin Siidow  Xaaji Xasan oo aan k wada mid ahayn Shaqaalihii Talifishinka Qaranka ka dib markii uu sheegey in uu Faquuq kala kula kulmey Wasaaradii uu u shaqeyn jirey oo Naftiisa u soo horey.

Waxaan weydiiyey Goormaa Talifishinka Qaranka aad ku soo biirtey waxaana uu yiri “Waxaa ka mid ahaa Shaqaale ka Tirsanaa Wakaalada Filimada Soomaaliyeed ka dib waxaa  aniga iyo koox kale nalagu biiriyey Talifishinkii Qaranka Sannadkii 1986”  waxaan weydiiyey aqoontaada Kaamirada ee Xiligaan ka waran  waxaa uu ku jawaabey “ aad bay u sareysaa waxaan Muddo dheer ka shaqeysanayey Dalka Kenya marka Xirfadeyda aad bay uga sareysaa sidii Hore.

Waxaan weydiiyey Wasaarada ma tagtey oo ma weydiisatey in ad Dib ugu laabato Shaqadaadii waxaa uu yiri” “Muddo aad u fog ayaan si aad ah u raajicinayey in aan dib ugu laabto Shaqadeydii hase yeehee waxaan kuu sheegayaa in  Qabiil la igu Faquuqey  oo Xitaa la ii dIidey in aan galo Wasaarada Warfaafinta aan u shaqeyn jirey sidoo kale Xitaa waxaan Codsadey in la ii qoro Guno taasina waa la iga hor istaagey.

Sidoo kale waxaan weydiiyey in uu haysto wax aqoonsi ah oo ku aadan Shaqadaadii hore waxaa na uu yiri “ Amiin adiga ka Marqaati in aan ka tirsanaa talefishinkii Qaranka marka waa haystaa aqoonsi igu filan  waxaan intaa kuu raacinayaa in Mushaarkii ugu dambeeyey ee aan ka qaato Talifishinka  uu ahaa 1200 Shilin Soomaali (Kun iyo Laba Boqol Shilin Soomaali.

Muxyadiin Siidow waxaa uu ugu Dambeyn u soo jeediyey Madaxda Qaranka iyo kuwa Wasaarada Warfaafinta in ay Deg deg arrintaan wax uga qabtaan maadaama aan tirsanayo Cadaalodaro sidoo kale waxaa ogahay in Dad badan oo Wasaarada ka tirsan in   ay Mushaar ka qaataan Dhowr meelood.

Muxyadiin Siidow waxaa ku Xasuustaa Sannadkii 1989  oo haatan laga joogo muddo ku dhow 30 Sannoo Aroos Walaalkey ah oo uu  Duubey ayaa ilaa hadda aan daawanaa isagoo wax isbedel ah ku imaan marka waxaa Codkeyga ku biirinayaa  in Wasaarada Warfaafinta ka Faaiideystaan Khabiirkaas.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail:amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail:amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Tel 00252615532494