canada goose victoria canada goose jakke dame canada goose jakke tilbud moncler pas cher parajumpers norge salg parajumpers norge Natiijo nuucee ah ayey dooneysaa Pogba hooyadiis in ay ku dhammaato ciyaarta Man Utd vs Saint-Etienne? | XOG-DOON NEWS

Natiijo nuucee ah ayey dooneysaa Pogba hooyadiis in ay ku dhammaato ciyaarta Man Utd vs Saint-Etienne?

Jose Mourinho ayaa sheegay waxa ay dooneyso hooyada dhashay Pogba in uu ku dhammaado kulanka Manchester United ay marti qaadi doonto Saint-Etienne ee Europa League oo Khamiista dhacaya.

Macallinka Portuguese-ka ah ayaa wuxuu doonayaa in ay kulan weyn ku ciyaaraan Old Trafford, balse Paul Pogba hooyadiis oo la yiraahdo Yeo Moriba ayaa rajeyneysa kulankaas in uu Garabdhac kusoo dhammaado.

Sababta ay sidaas u dooratay ayaa ah in walaalka ka weyn Pogba ee Florentin uu ku jiro safka Saint-Etienne, isla markaana uu jiri doono xifaaltan adag oo dhanka Europe ee kubbadda cagta ah oo wiilasheeda dhex mari kara.

Mourinho ma uusan xaqiijin in da’yarka Pogba uu kulanka kusoo billaaban doono, xilli United ay kulan adag oo dhanka FA Cup ah isu diyaarineyso kaasoo ay la qaadan doonto isagana Blackburn Rovers halka EFL Cup finalkiisana ay la ballansantahay Southampton ka hor inta aysan bishan dhammaan, balse koobabka gudaha si aan walaac laheyn ayuu u ciyaaraa Mou.

“Anagu [Mourinho iyo Paul Pogba] waan ka hadalnay sida wanaagsan, Shactaro ayey nooga baxday,” wuxuu ku sheegay shirkii Jaraa’id ee kooxda.

Manchester United @ManUtd

“Waan ogahay hooyadood waxay dooneysaa Garabdhac!”

Jose Mourinho oo ka hadlayay @PaulPogba vs Florentin… ayaa ku yiri Twitter-ka kooxda Manchester United.

“Waxaan u maleynayaa waa arrin wanaagsan, in aysan hooyada Pogba dhinac la safan waayo waa waalid.

“Waa marwo hal adag oo aan is leeyahay… si siman ayey wiilasheeda u taageereysaa.

Halkaan kala soco Wararka

.