Dowladda Venezuela ayaa ku dhawaaqday in doorashaddii Madaxtinimadda ee ka dhacday dalkaasi uu ku guuleystay Nicolas Maduro.
Guddiga doorashada ayaa shaaciyay in 67.7%. codadkii la dhiibtay uu helay Mr Maduro.
Ka hor inta aan natiijada la shaacin, ayaa musharraxii mucaaradka, Henri Falcon waxa uu sheegay in aanu aqbali doonin guusha Maduro, maadaama la musuq maasuqa doorashada sida uu sheegay.
Guushiisa ayaa ahayd mid la filayay ka dib markii ay axsaabta ugu waaweyn mucaaradka dalkaasi ay qaadaceen doorashada.
Dadka u soo baxay doorashada ayaa la sheegay in ay tiradooda ahayd 46%.
Dalka Venezuela ayaa waxaa imika ka jira dhibaato dhaqaale oo uu heerkeedu sareyo.