Nin Soomaali ah oo lagu toogtay Suuriya

0

Ururka la socodka Xuquuqda Aadanaha ee dalka Suuriya ee fadhigiisu yahay Magaalada London ee dalka Ingiriiska ayaa sheegay in nin Soomaali ah oo ka mid ahaa Kooxda Daacish in lagu dilay Gudaha dilkaasi.

Ninka Soomaaliga ah  iyo xubno kale oo la socday ayaa la sheegay in Kooxaha hubeysan ay jidka u galeen xilli ay ku safraayeen Gudaha gobolka Idlib ee dalka Suuriya.

Kooxda waxa ay sheegtay in ninkaasi Soomaaliga oo muddo dheer qeyb ka ahaa dagaalka ka socda Kooxda Daacish ay ka waddo Suuriya.

Ninka Soomaaliga ahaa Gudaha dalka Suuriya looga yaqaanay sidda ay sheegtay Kooxdaasi Abuu hureyra Al Soomaali , waxaana la sheegay markii hore ee ka yimid dhanka Qurbaha.

Cabdiraxman Shariif iyo Khaliif Shariif oo da’dooda  lagu sheegay  21 jir iyo  18 jir ayaa la xaqiijyey in 2016-kii  ay ku geeriyoodeen dagaal  ka dhacay dalka suuriya, xilli ay ka garab dagaalamaayeen kooxda la magac baxday dowladda islaamka ee daacish.

Soomaali u badan dhalinyaro oo heystay dhalashada dalalka  Britain iyo maraykanka  ayaa ku biiray Kooxda dowladda islaamiga ah ee Daacish iyadoo magaalada Manchester iyo gobalka menisoto ee dalka maraykanka  lagu tilmaamay meelaha ugu oo ay  baxeen dhalinyarada  ku biirtay IS oo isugu jiray wiilal iyo gabdho.