canada goose victoria canada goose jakke dame canada goose jakke tilbud moncler pas cher parajumpers norge salg parajumpers norge Nin Soomaali ah oo Wasiir Ka Noqday Markii 1aad Dalka Canada (Magaciisa) | XOG-DOON NEWS

Nin Soomaali ah oo Wasiir Ka Noqday Markii 1aad Dalka Canada (Magaciisa)

Ahmed Hussen oo ah nin asalkiisu yahay Soomaali ayaa loo magacaabay inuu noqdo wasiirka socdaalka, qaxootiga iyo jinsiyadaha ee dalka Canada.

Isku shaan-dheyn uu maanta golahiisa wasiirada ku sameeyey Ra’isul wasaaraha dalka Canada, Justin Trudeau ayuu Ahmed Hussen ku badalay wasiirki hore ee socdaalka John McCallum, kaasi oo loo magacaabay safiirka Canada u fadhin doona dalka Shiinaha.

Ahmed, ayaa noqday qofki ugu horeeyey oo Soomaali ah oo gala baarlamaanka Canada sanadki 2015-kii.Wuxuu markaasi kasoo galay baarlamanka xaafada York South-Weston ee magaalada Toronto.

Hadda wuxuu noqon doonaa qofkii ugu horreeyey oo Soomaali ah oo jago wasiir ka qabta mid ka mid ah Dowladaha waaweyn ee caalamka.

Halkaan kala soco Wararka

.