Oday-dhaqameedyada mar kale gacantiinaa la rabaa in laynagu gowraco! W/Q Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan

0

Waa shaki la’aan dhibaato kasta oo maanta Soomaaliya haysata in odayaasha dhaqanka haba yaraatee Wax laga saarayo!

Waa dhaqan soo jireen ahaa waligeed guumeystayaasha in wadanka ay rabaan inay qabsadaan ama ay boobaan inay xilkiisa iska xijiyaan odayaasha dhaqanka si wax-yeelada iyo dhagaraha ay ay geysanayaan ay eedaha ka imaanaya u huwiyaan hoggaankii iyo madaxdii dhaqanka ee ummadda talada ula noqon lahayd, si halkaas looga waayo qof ama cid ay bulshadu ku kalsoonaan karto oo talladeeda ay rumaysato oo qaadato, waadna arkaysaan sida xaalka dalku yahay, nin kasta oo magac iyo huwanaa sumacad ay ummaddu ku soo hiran karto maalin baa laga xayuubiyay iyadoo oo aan lala dagaalin oo aan la qasbin, waayo marka hore ayaa waxaan xilkiisa ahayn iyo wax aan ka mid ahayn dabeecadda xilkiisa mas’uul looga dhigayaa, taasi marka maxay keenaysaa in isaga iyo dadkii xilkaas lahaa ama ay shaqadooda ahayd ay is qabsdaan ama is qoonsadaa oo uu waajibaadkiisii gudan waayo, ama haddii ay taas dhici weyso uu garan waayo waajibaadkii laga rabay taasina ay noqoto dhibaato hor leh oo wax u dhima nidaamkii iyo noloshii mujtamaca, waana sida waxa Beesha Caalamka loogu yeero hadda ay ula dhaqanto Soomaaliya, waana sababta ugu weyn ee mar kasta odayaasheenna dhaqanka loogu diro mar kasta inay soo xulaan xil-dhibaannada.

Maalin kasta arrinteenu ma waxay taagnaanaysaa “Oo maxaa laygaga farxi ama layga soo heli beriba waan habaabayaayee!” odayaasheenna way arkaan maalin kasta niman bay magacabaan oo soo xulaan, isla markaasna waxay u jeedaan ama indhahooda ku arkaan inaan haba yaraatee xil-dhibaannada ay soo xulaan aysan waligeed dano ummadeed maalin keliya u istaagin oo aysan qaban. Odayaasheena dhaqanka waxaa kaloo ay arkaan in nimankaas ay soo xuleen ee xil-dhibaannada ah denbi kasta iyo gef kasta oo ay ummadda ka galaan haddii iyaga looga soo dacwoodo inaysan waxba ka qaban karin, odayaasheenna dhaqanka waxay kaloo ogyihiin ama caalim ku yihiin kuwa ay soo xuleen oo ay ku fariisiyeen kurigii ummadda loogu adeegi lahaa inaysan waligood talo ugu soo laaban! Odaygeenu ha is weydiiyo maxaad ummaddaada u kordhisay oo aad berritoo Alle la hor tegaysaa?! Raggii aad horay u magacowday maxay qabteen maxayse u qaban waayeen?! Odaygu waa inuu is weydiiyaa “Anigu dadkaan aan magacaabayo haddaanan khaladkooda waxba ka qaban karin maxaan u magacaabayaa?!”

Odayaasheenna dhaqanka ha darsaan waxa Beesha Caalamka loogu yeero dhagarta ay ku hayaan soo noqoshada Qaranimmadii ummaddooda!

Marka dhab loo fiiriyo odayaasheena dhaqanka, shaki la’aan dhibaato kasta oo maanta haysata Soomaaliya kaalin weyn bay ku leeyihiin, waana qorshe loogu talo galay oo ay wadato waxa Beesha Caalamka loogu yeero si loo waayo oo loo xaqiijiyo inaan la helin wax talo isugu yimaada oo sida ay hadaba tahay maalin kasta talada iyo nidaamka nolosheena ay iyaga oo keliya innogu go’aamiyaan, waana qayb muhiim ah oo ka mid ah sababaha wali laynooga daba wado 4.5, nidaam beeleedka ina curyaamiyay ee inoo diiday inaan yeelano dhismo siyaasadeed oo xisaabtiisu ku salaysantah yaa innogu haboon? Yaa deegaankeena lagu yaqaan inuu adeeg guud mar kasta hayo ama xil iska saara oo aan wakiilannaa? Yaa ku haboon ee aan u dirsanaa?….haddaan waalannahay miyaan ciil qabi lahaa, qiyaas ahaan inaan miyir qabno baan malayniyaa hadana wax kasta oo aan qabanayno natiijada waxay noqotaa mid sidaas ka duwan!

Odayaasheenna xisaab baa laga rabaa, arrintu meel xun bay ka daadageysa, dalkii waa laynaga qaaday gacanteena waxaa ku haray sheegashada waxaanan haysan, waxaanan taladooda waxba ku lahayn, shacabkii iyo dadnimmadii Soomaaliya waxaa maanta wakiil u ah niman soo qaatay boorsooyin ay rabaan inay buuxiyaan, niman waajibkooda ugu weyn ama muhimadooda kowaad ay tahay sidii boorsooyinkaas loo buuxin lahaa, niman arxan daran oo aan Alle ka cabsanayn, oo aad moodo calooshood u shaqaystayaal aan dadka iyo dalka waxba ka gelin, nimanka noocaas marinka iyo habka ay ku imaanayaan ama ay ku hananayaan hogaankeenii wuxuu noqday saxiix aad adinku bixiseen, taas ulama jeedo inaad la qabtaan waxa ay sameeyniyaan iyo dibindaabyada ay ummadda ka galeen, laakiin daldaloolo badan oo laynooga soo duso baa laydinka helay, nimanka noocaas ah baad intaad soo xushaan oo taladii dadka iyo dalka gacanta u geliseen ugana hartaan….Adinkoo magacii iyo sharaftii ummadda ah hadana inaad gacmaha laabataan oo aad indhaha ka fiirsataan tacaddiyada iyo xad-gudubyada ina dhaxlsiiyay in qaranimmadeenii iyo aayihii ilmaheenna mad-madow galo.

Shacabkii lama hadashaan dhibka iyo dhagarta lagu haya kalama hadashaan, talo uma sheegtaan mana weydiisaan, siyaasaddii waad soo gasheen oo waliba saxiixiina baa aasaas looga dhigay, maxaad u malaynaysaan in laydinka rabo marka laydin leeyahay xil-dhibaannada soo xula? Wax kale ma aha ee sharaftiina dihan ee lama taabtaanka u ah ummadda baa suuqa la keenayaa …… Bal ka feker!…Bil seddex beelna waa kaa wadaa beel kalana kuma gaarsiiso!

Waxaan hubaa in muddo dheer odayaasheenna dhaqanka daraasad lagu hayay, waxaana ii muuqda in waxa Beesha Caalamka loogu yeero ay wax badan uga suura galeen sida ay u fahmeen odayaasheenna, waxayna kaalintii ay ka qaadan lahaayeen dib u raadinta qarankoodii burburay lagu soo koobay inay soo xulaan rag ay guumeystayaasha keensadeen oo ay ku adeegtaan isla markaasna ay talladii dalka u daba fariistaan, bal u fiirso, odayga Soomaaliyeed hoggaankii siyaasadda ayuu soo xulayaa laakiin laba wiil oo uu oday u yahay oo dabka isu qaata wax ma kala oran karo!…Kaaf iyo Kala Dheeri!….Bal u fiirso waxaa la ilowsiiyay inuu la hadlo, ama sheekada la wadaago oday-dhaqameedyada kale si ay u suuro gasho inay isu yimaadaan oo dadkooda heshiisiiyaan, bal u fiirso odayaasheenii waxaa loo ekeysiiyay inay la shaqeeyaan siyaasiyiinta ay odayaasha u yihiin, taasina waxay suuro gelisay in colaadda iyo khilaafka siyaasiyiinta u dhexeeya ay labadii odayna dhex taal iyagoo aan waligeed wax arrin ah isku qaban!!…. waxaana lagu mashquuliyay kaalin aan toodii ahayn isla markaasna la ogyahay inaysan ka miro dhalinayn, waxaana loo ekeysiiyay mid kasta oo iyaga ka mid ah inuu la dudsanyahay siyaasiga uu odayga u yahay! Waxaana sida muuqata arrintan ay keentay dhibaatooyin faro badan oo ay ugu muhiimsantahay inay dumaan tiirarkii dhaqanka ee ummaddu u baxsan jirtay, waxayn hadda arrintu maraysaa oo gumeystaha huwan magaca Beesha Caalamka u suuro gashay inuu yareeyay haybaddii hoggaan kasta oo ay ummaddu lahayd; Oday, Culumo, Ganacsato, iyo Siyaasiyiin oo iyagu kuwa sumcad darrada ay ka bilaabatay; Beentooda, fulaynimadooda (Si dulinimo ah shisheeyaha ugu hoggaansan oo ka cabsada.) hunguri-xumadooda (shisheeyaha inuu wax dheeryahay u haysta oo indhaha ka barya) daacad-yaridooda (ballantii iyo wacadkii ay Alle ku mareen ku bedelay inay dhaafsadaan raali gelinta cadowga dalka) ilaa dadkii laga waayay qof mudnaan leh.

Odayaasheena dhaqanka way ogyihiin in shacabku leeyahay “Timirtii Horaba Dab Loo Waa!”

Sida hadda wax loo wado waa si iska cad, Itoobiya waxaa loo dhisay warshado hubka ah, waxaa la gaarsiiyay horumar ujeeddada ka dambaysa ay tahay in annaga laynagu bajiyo, sharciyada kaa xoog badnida lagu saleeyay iyo go’aannada ka soo baxaya ragga isugu yeeray inay iyagu yihiin golihii ammaanka dunida waxay noqdeen kuwo annaga laynagu garbo duubayo, waxay hadda arrintu maraysaa in maalin kasta diyaarado inta iska soo duulaan ay dad iska laayaan waliba aan lays weydiin maxaa loo laayay, in taba-bar Drones-ka lagu siiyo laynta ilmaheenna saraakiil guryahooda ku qaxwaynay laynta dad aan waxba galabsan, oo xataa aan lays weydiinayn immisaa laynaga dilay, iskaba dhaaf taasee xataa aan la aqoon cidda iska leh diyaaradaha dadkeena laayay!…..Odayaasheenna dhaqanka mas’uuliyaddas waxbaad ku leedihiin!…. dalalka ilmaheena sidaas yeelayana eeydooda Ceymis bay ku jiraan, oo maxaa ilaa heerkaas dadkiina gaarsiiyay nin aad soo xusheen oo siyaasi ah oo aan rabin inuu waligiis dego xataa aan is lahayn waad dhimanaysaa, nin siyaasi ah oo raba in waxa Beesha Caalamka loogu yeero ay ku hayso meesha annaga oo dhan joogitaankiisa awoodda innagu gatay, Xil-dhibaan baad ka dhigteen maxay qabteen?! Bal odayaasheena ha is weydiiyaan dadka ay soo xuleen ama goblka Puntland ha joogaan ama Xamar ha joogaan (inkastoo ay hadda mid yihiin kuwa Xamar iyo kuwa Garowe) ma jirtaa hal waxna ha ahaato wax ay ummaddaas u qabteen oo aad ku qanacsantihiin oo aad sheegi kartaan?! Jawaabta waxay ka muuqataa dalka heerka uu marayo.

Odayaasheenna ha ka fekeraan, Alle ha uga cabsadaan, runta ha abbaar oo yeysan ka cabsan, dalkaan uma baahna Xasan SHiikh Max’ud, uma baahna Max’ed Cusmaan Jawaari, uma Baahna Cumar Cabdi-Rashiid Cali SHar-Ma-Arke, uma baahna inta ay siyaasadda mataanaha ku noqdeen sida Cabdi Wali Max’ed Cali Gaas, iyo Cabdi-Kariim Xuseen Guuleed, waayo waan aragnaa meeshay inoo wadaan, waan meesha ay ina gaarsiiyeen, dhibaatada ay abuureen nin kasta gurigiisa bay ugu tagtay, arrinta meesha ay marayso iyo waliba liidnimmada iyo mas’uuliyad darrada xukuummadda Cumar Cabdi-Rashiid wali kama hadlin lacagta shilling ah ee maalin kasta lagu daabacayo Puntland, ma saami bay ku leeyihiin xoolaha la dhacayo?!…bal adiga sheeg, xaashiyo been ah baa shacabkii xoolahoodii lagu dhacayaa cid ka hadlaysana ma jirto, YAAB! ma xubno waxa Beesha Caalamka loogu yeero ah baa lacagta been abuurka ah iska leh oo waa laga baqayaa…maxaa loo aamusanyahay?! Dadkii dan-yarta ahaa ee dhibaatadu xanuujisay markay ooyeen oo cabaadeen oo afkooda furteen waa la xir-xiray!…cid ka hadashayna ma leh!… bal odayaasheena dhaqanka ha qiimeeyaan Xil-dhibaanada ay inoo soo xuleen yeey wakiil u yihiin?!…..

Waxaa intaas oo dhan ka daran inaad mar labaad khaladkii shalay innagu celisaan, waxaa intaas ka daran haddaad maanta il-duuftaan oo khaladkii shalay oo kale aad maantana ku dhacdaan u malayn mayo fursad dambe inaad helaysaan oo khaladka aad manta gashaan wuxuu noqonayaa kii dalka oo dhan aan ku lumin lahayn, Odayaasheenna dhaqanka mar kale gacantiinaa la rabaa in laynagu gowraco!….nin baa laga sheegay “ Anigoo qayliyaad I arki jirteen ee ma anigoo galaangasha baad I arki jirteen?!” dalka taladiisii waa laynaga haystaa, ninkii talin lahaa kuwa aad soo xusheen hoostoodaa lagu laayay kamana hadlin ee ha la weydiiyo, wax-garadkii hoostoodaa lagu laayay kamana hadlin ee ha la weydiiyo, culummadii hoostoodaa lagu laayay kamana hadlin ee la weydiiyo,…..Odayaasha-dhaqanka! Waxaad wax ku ahaanaysaan waxaad ummaddiina ka dhigtaan, waxaad karaam, sharaf iyo awood ku helaysaan waa wanaagga aad ugu talisaan mujtamaca idin aaminsan iyo hadba dhaqanka aad ku hoggaamisaan.

Waxaa talo wanaagsan oo haboon ah in odayaasheena soo xulaya xil-dhibaannada ay la tashadaan hoggaamiyeyaasha indhaha bulshada ah ee deegaan kasta jooga, oo aan ka tilmaami karo Culummada, Barrayaasha jaamacadaha, Dadka lagu yaqaan wax-tarka iyo adeegga caamka ah ee bulshada deegaan kasta!…waa fursad wali gacantiina ku jirta, aayaha ummadda talo iyo ka fiirsasho faro badan bay u baahanatahay, waxaan ku faraxsannahay in mar kasta oo khatar ay soo korodho talada dadkii loola noqonayay ay hadda mar kale taladii gacantooda ku soo laabatay…..laakiin naf nool walaac kama dhammaadee waxaan is leeyahay armay mar kale talada, Yaa?!…..kolayba waxaan ku calool fiyoobahay manta waxaad ummadda u qaban weydaan inay tahay waxaad u awoodi weyseen ee aysan hagrasho iyo naf jaclaysi idinku jirin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here