Ogoow Sababta:-Kooxda Taalibaan oo ku dhawaaqday xabad joojin 

0

Ururka Taalibaan ee ka dagaalama wadanka Afganistaan ayaa ku dhawaaqay in ay ogolyihiin sadax maalmood oo Xabad joojin ah fadliga munaasabda Ciidul fidriga oowgeed, waana markii u horeeyay ee ay sidaan sameeyaan.

Maalmo ka hor ayey ahayd markii Dowladda Afganistan ay si iskeed ah ugu dhawaaqay Xabad joojin.

Taalibaan ayaa sheegay in Ciidamadda shisheeye aysan ku jirin Xabad joojinta ayna sii socondoonaan Howlgaladda ay ku beegsanayaan.

Waxaa sidoo kale uu sheegay Ururuku in ay iska difaacayaan weerarkasta oo ku yimaada.

“Xubanaha ka tirsan taalibaan ma imaan doonaan melaha ay Dadku isugu soo aruurayaan ciidda, sababtoo ah cadowga ayaa na beegsan kara” ayaa lagu yiri war uu ururku soosaaray.

Ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay Dowladda Afganistan,  Laakiin safiirka Afganistaan ee Pakistan ayaa sheegay in ku dhawaaqista taalibaan ay tahay tilaabo muhiim ah oo nabadda looqaaday.