OGOW: 4 Sababood oo Madaxweyne Farmaajo ku Kallifay inuu ku shaqeeyo Wasaaradda Gaashaandhigga

0

Madaxweynaha dalka Mudane Maxamed Cabdullaahi Famaarjo ayaa wuxuu howl maalmeedkiisa u wareejiyay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda Soomaaliya.

Waxaa jira 4 Sababood oo waaweyn, kuwaas oo uu ku doortay in uu ku shaqeeyo Xaruntaas.

1-Waxaa uu doonayaa in Dowladda madaxda ugu sarreysa ay Xafiisyo ku yeeshaan meel ka Baxsan Xarunta Madaxtooyada, taasoo ay ka dhalan kasto in goobta uu tegayna Ammaankeeda la xaqiijin doono, ayna ka mid noqoneyso goobaha ugu Ammaansan Caasimadda.

2-In Ciidanka dowladda iyo Wasaaradda Gaashaandhigguba ay ka helaan dhiirrigelin joogto ah, Madaxweynihii ayaa adinla jooga, isla markaana aysan ka gamban in howl kasta oo uu faro ay u gudan doonaan sida in uu yahay xubin iyaga ka mid ah oo joogto ah, wuxuuna si joogto ah u siin doonaa dhiirrigelin.

3- In Dalka uu ka billaabanayo dagaal ka dhan ah Al-shabaab kaasoo ay ciidamadu ku doonayaan in ay kula wareegaan guud ahaan dalka, wuxuuna taas madaxweynuhu ka sameyn doonaa dhiirrigelin dhanka Ciidanka ah.

4-Madaxdii hore iyo Ciidanku ma aysan aheyn kuwo Xiriir dhow leh, wuxuu doonayaa in uu taas waxbadan ka beddelo, isla markaana uu noqdo madaxweyne si joogto ah xiriir dhow ula leh ciidanka, sidoo kalena wuxuu ka warqabi doonaa in ay helaan Daryeelka ay mudanyihiin.

Afartaas Qeybood ee aan kor kusoo xusnay ayaa ah waxyaabaha ugu waaweyn ee Madaxweynaha dalka uu go’aan ugu qaatay in uu howl Maalmeedkiisa u wareejiyo Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda Soomaaliya.