Pogba oo seegaya kulanka Manchester Derby, sababta ma ogtahay?

0

Paul Pogba ayaa seegi doona kulanka Manchester derby ee Khamiista xilli uu laacibku dhaawacanyahay, Manchester United tababaraheeda Jose Mourinho ayaa xaqiijiyay.

Xiddigga dalka France ayaa laga saaray ciyaartii kooxda United ay 2-0 uga badisay Burnley Axaddii, xilli Mourinho uu sheegayay waqtigaas in aysan baqdin ka qabin in uu ciyaari waayo kulankan.

In kastoo la filayay in dhaawaciisu yahay mid aan weyneyn, Mourinho ayaa hadda sheegay in Pogba uusan imaan doonin ciyaarta Etihad Stadium ee toddobaadkan.

Mar la su’aalay haddii Pogba ama Ander Herrera uu diyaar yahay, wuxuu u sheegay jaraa’idka: “Paul, Maya. Herrera, Haa.”

Wuxuu intaas ku daray in Antonio Valencia uu safka kusoo laabanayo markii la nasiyay ciyaartii ay ka badiyeen Burnley, balse difaacyada dhexe Chris Smalling iyo Phil Jones wey maqnaan doonaa.

“Waxaan la shirtegeynaa waxa aan heysanno, waa in aan dagaallanno. Waan aaminsanahay wiilasheyda. Waxaan nahay dagaalyahanno waana soconeynaa,” ayuu yiri.

United ayaa horay u weysneyd Zlatan Ibrahimovic iyo Marcos Rojo, oo dhaawacyo jilibka ah qabay, halka Juan Mata uusan weli soo kaban tan iyo Qalliinkii lagu sameeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here