Prof. Yaxye oo Qormo Cajiib ah ka qoray magac bedelidii Benaadir iyo asalka magaca Banaadir

0

Iyadoo dhowaan Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho uu amar ku bixiyay in magaca Banaadir loo bedelo Benaadir, ayaa arrintan waxay keentay doodo kala duwan oo ku saabsan sax ahaanshaha, iyadoo la isla aaday taariikh hore.

Dad badan ayaa ku doodaya in magaca Benaadir la isticmaali jiray xilligii gumeystihii Talyaaniga, halka dad kalena ku doodayaan ka hor gumeystihii uu Banaadir ka soo aslamay magaca Bandar oo ah magac Iiraaniyaan ah.

Hadaba Prof. Yaxye Sheekh Caamir ayaa qormo ka qoray magacan Banaadir iyo asalkiisa, waxaana ay u qorneyd sidan:-

Benaadir, Seemaali, yexeye.

Sir: Charles Belgrave, oo ahaa Ingiriis la talin jiray hogaamiyayaashii Baxreeyn ayaa 1930 soo jeediyay in magaca Persian Gulf ama (Gacan Baddeedka Iran Gulf) la bedelo , fekerkaasi waa socday illaa 1960. Iran marna ma aqoonsan,in kastoo carabu lacag badan ku bixisay in maadada Joqorafiga iyo Map-ka cusub lagu darao magaca.

Waxaa kale oo la yiri: Badda Indian ocean halaga bedelo magaca oo haloo bixiyo Afrikan Ocean, bacdamaa waddama badan oo Afrikan ah ay xad la leeyihiin. Afrikaankii taa waa diideen,waxa ay yiraahdeen: waqti iyo dhaqaale badan ayaa ku baxaya, taariikhduna fudeedkaa ku badalmi ma doonto, macna weyna ma sameeyneeyso .

Haddana waxaa la soo jeediyay magaca Banaadir hala bedelo! Ma Iraan ayaa lagu xumeeynaa.Bandar waa kalmad Irani ah oo macnaheedu yahay magaalo xeebeed, haddii dhowr magaalo ay ku yaalaan xeebtana waxaa la yiraa Banaadir oo jamac ah, magacaa oo markii hore Irantu u taqiin xeebaha soomaalida ilaa kismayo, markii dambene lagu soo koobay 5 magaalo oo ganacsi caalami ah la lahaa Iran iyo Shiinaha, kuwaa oo kala ahaa: Cadale, Warshiiq, Xamar, Marko, iyo Barawe.

Iran waxa kale oo ay keeneen magaca Mogadishu sida qoraalo badan sheegayaan,oo ah laba xaraf : Maqcad =Kursi asal ahaan kalmad carabi ah,iyo Shaah = Hogaamiye asal ahaan kalmad Iraani ah, halkaa oo uu degenaa wakillka shaaha . dhinaca kale waxaa jira kalmada Gandarshe oo ah laba kalmadood oo asal ahaan Irani ah Gander= ku xigeen ,iyo shaah oo ah hogaamiye, waana halka maanta loo yaqaan gandarshe oo uu degenaa ku xigeenkii hogamiyihii xamar. ( yaan la bedealin magacyada sh/hoose ).

Horeeyba u burbureen oo magac kaliya ayaa ka haray Mogadishu iyo gandarshe fiiri sawirada :1 &2aad.

Ogow magaca Amerika waxa uu ka yimid Amerigo Vespucci oo ahaa wiil yar oo talyani ahaa reer Florence ahaa , helayna dalka mareeykanka looguna magac daray. Hadda haddii talyani iyo mareeykan diriraan ma magacaa la bedelaa????
Yaan taariikhda loo bedelin Iraan Naceeyb ama raali galin Carbeed . waxaa jira wadama Carbeed oo shiicadu ay tahay qaybta bulshada ugu badan .Shiicana weligeed xamar waa joogtay laakin Somali ma aheeyn, 10 qof jamaaca ka yar ayaa Masaajidooda joogi jiray fiiri sawirka 3aad.. Haddda Shiico somaliya waa joogta waa run, weliba waxa ay ka mid yihiin 9-ka kooxood ee Xamar wax ku dila ,laakin iyagaa ugu roon dadka kale ma dilaan iyagaa dhaxdooda dilaalnima isku dila.qorshahoodana kuma jirto shiica fidin.

Shiica kuwa ka daran oo aan islaannimaba sheeganeeyn ayaa hadda howl bilaabay xatta kuwa aan aaminsaneeyn diimaha samaawiga.

FG: madaxdeena waxaan ka codsaneeynaa in ay naga ilaaliyaan laab la kac siyaasadeed iyo in aan dhaxgalno khilaaf laba dhinac ka dhexeeya oo ayna anaga dani noogu jirin. Yaan magacyada si fudud loo bedelin, ogow aniga waxaa la i yiraa: Yaxya ee yaan la ii bedelin yexeye ,sida banaadirba loogu bedelay Benaadir. Naga ilaaliya kuwa seemaaliya noogu yeeri doono. Wixii iga qaldan haddaba sax ,fekerkaaga ka dhiibo ,beeni ama rumee, wax ku dar am aka dhin .

Qore: Yahya Amir

Xogdoonnews:

Muqdisho Somalia

Xogdoon2015@gmail.com