Puntland oo beenisay in ay wada hadal kula jirto Somaliland

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda Arrimaha Maamulka Somaliland Sacad Cali Shire ayaa horey u sheegay in wada hadal uu u socdo maamulada Puntland iyo Somaliland, kaasi oo la xiriira xaalada deegaanka Tukaraq.

Warkaasi waxaa beeniyay Afhayeenka maamulka Puntland Cabdullahi Maxamed Quraan-jecel oo hadal uu warbaahinta siiyay ku sheegay in warkaasi uusan waxba ka jirin.

Wuxuu sheegay Quraan-jecel qodobada uu soo jeediyay Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland in ay yihiin kuwo ay horey u soo jeediyeen Qaramada Midoobay, wuxuuna tilmaamay in ay xoreynayaan dhul uu sheegay in ay heystaan Somaliland.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay arrimaha Soomaaliya Micheal Keating oo kulan ku yeeshay maalmo kahor magaalada Jabuuti ayaa ka wada hadlay xaalada deegaanka Tukaraq, waxayna ku balameen sidii looga wada shaqeyn lahaa dejinta xiisada Tukaraq.