Puntland oo ciidamo fara badan geysay Gobolka Sool iyo Xiisad taagan

0

Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa Puntland ayaa saacadihii la soo dhaafay waxa ay gaareen deegaano ka tirsan Gobolka Sool.

Ciidamadaan oo ah kuwa Kumaandoosta puntland ayaa gaaray deegaanka tukaraq ee Gobolka Sool halkaas oo Maamulka Soomaaliland uubgeyn lahaa Snaadiiqda doorashooyinka Maamulkaas.

Xiisad ayaa saakay ka taagan deegaanka Tukaraq,iyada oo laga cabsiqabo in ay wada dagaalamaan Ciidamada Soomaaliland iyo kuwa Puntland.

Wasiirka arimaha Gudaha Somaliland ayaa dhawaan sheegay in Puntland ay kala hadleyn inaan la carqaladeyn doorashooyinka Gobolada Sool iyo Sanaad balse ay arintaasi suurta geliweysay.

Dhanka kale,Wasiirka Warfaafinta maamulka Puntland ayaa Somaliland uga digay iney gobolada Sool iyo Saang ay geeyaan sanaadiiqda doorashooyinka.