Puntland oo Markale baaq u dirtay Dowladda dhexe

0

Shirka Golaha Xukuumadda  Puntland oo uu Shir guddoominayey Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, uuna goob joog ka ahaa Madaxweyne Ku-xigeenka Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa waxaa todobaadkan looga hadlay, Amniga dalka, Imtixaanaadka Shahaadiga ah, Arrimaha Xajka iyo Warbixino Kale.

Maamulka Puntland ayaa ka dalbaday dowladda dhexe ee Soomaaliya in ay kusoo wareejiso Qoondada Puntland ee Dadka Soomaaliyeed ee loogu tala galay in ay aadaan xajka Sanadkaan.